Murugadii 55ka Sannadood Haysatay Ingiriiska, Rikoodhkii La Dhigay,

Xulka qaranka England ayaa caawa ka bogsaday dhaawacii iyo murugadii ay 55ka sannadood kala kulmayeen xulka qaranka Germany oo ay ugu dambayn kaga aargoosteen garoonka Wembley iyagoo hiil ka helay Raheem Sterling iyo Harry Kane oo tartanka ka saaray Jarmalka.

Ingiriiska ayaa 2-0 ku garaacay Jarmalka, waxaanay markii u horreysay ka badiyeen ciyaar ka tirsan tartamada waaweyn ee Koobka Adduunka iyo Euro, waana guushii u horreysay ee muddo 55 sannadood ah Ingiriisku ka gaadhaan Jarmalka.

Xaqiiqooyinkii & Rikoodhadii la diiwaangeliyeyXulka qaranka England ayaa ka badiyey Germany markii ugu horreysay kulan ka tirsan tartamada caadiga ah [kuma jiraan ciyaaaraha saaxiibtinimo] markii ugu horreysa tan iyo Koobkii Adduunka 1966kii, xilligaas oo finalkii uu Ingriisku koobka kaga qaaday Jaramlka. Saddex jeer oo hore oo laba Koob Adduun ahaayeen (1990 & 2010) iyo mar ahayd Euro 96, waxa Ingiriiska tartamadaas ka reebay Jarmalka.England ayaa noqday xulkii labaad ee abid taariikhda Euro aan wax goolal ah laga dhalinin afarta kulan ee ugu horreeya, waxaana sidan oo kael sameeyey xulka Germany sannadkii 2016. England ayaa iyaduna rikoodhkan oo kale hore uga samaysay Koobkii Adduunka 1966kii. Ma jiro waddan kale oo afarta ciyaarood ee ugu horreeya tartamada qaramada Yurub ee abid shabaqooda ilaashaday afarta ciyaarood ee ugu horreeya.Kulankan ayaa ahaa ciyaarii 300aad ee xulka Ingiriisku ku ciyaaro garoonka Wembley (Sky Sports ayaa sheegay sidan). 15 ka mid ah kulamadaas oo tartamada waaweyn ee Euro iyo Koob Adduun ah ayay guul-darro la’aan ahaayeen, iyagoo toban ka mid ahna guuleystay.Raheem Sterling waxa uu xulka England u dhaliyey 15 gool 20kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, taas oo u beddeshay 27 ciyaarood oo ka horreeyey oo isku xigay oo aanu wax gool ah dhalinin.

Xiddigii garoonka

Xiddigii kulanka ayay qiimayntiisa ku kala duwanaadeen warbaahinta iyo UEFA. Telefishanka Sky Sports ayaa labadii ciyaartoy ee ugu qiimaynta sarreeyey kulanka u doortay Jordan Pickford iyo Raheem Sterling oo helay darajada 9 ee qiimaynta, laakiin UEFA ayaa xiddignimada siisay Harry Maguire.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

England: Jordan Pickford – 9, Kieran Trippier – 7, Kyle Walker – 6, John Stones – 7, Harry Maguire – 7, Luke Shaw – 6, Declan Rice – 6, Kalvin Phillips – 7, Raheem Sterling – 9, Bukayo Saka – 7, Harry Kane – 7

Beddelka: Jack Grealish – 8, Jordan Henderson – N/A

Germany:  Manuel Neuer – 6, Matthias Ginter – 5, Mats Hummels – 7, Antonio Rudiger – 6, Joshua Kimmich – 6, Toni Kroos – 5, Leon Goretzka – 7, Robin Gosens – 5, Kai Havertz – 7, Thomas Muller – 5, Timo Werner – 5

Beddelka: Serge Gnabry – 5, Emre Can – NA, Leroy Sane -NA, Jamal Musiala – NA

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More