Fanaanadii Saynab Xaaji Cali Baxsan oo Muqdisho ku
Allaha u naxariisto waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ahayd Fanaanad wayn oo aad looga yaqiin Gayiga Soomaalidu degto.
Fanaanada ayaa waayihii ugu dambeeyay ku xanuunsanaysay magaalada Muqdisho, iyadoo mar dalka dibadiisa xaalad caafimaad loogu qaaday kadibna ay kusoo laabatay iyadoo caafimaad dareemaysay.
Saynab Cali Baxsan oo fanka kusoo biirtay sanadkii 1964, ayaa kamid ahayd fanaaniinta dhinaca dumarka ah ee ugu horreeyey fanka Soomaaliyeed, waxayna isku waqti ahaayeen Xareedo Ismaaciil Duniya iyo Faatima Cabdilaahi Maandeeq.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka tirsanayd Hobalada Qaranka ee Waabaari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay kaalinta Marxuumaddu ay ka qaadatay wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dareenka wadaniyeed, iyadoo safka hore kaga jirtay hobaladii Qaranka ee hormuudka u ahaa xoojinta dhaqanka, afka iyo suugaanta.
Saynab waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, waxaana riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.
Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aas aasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale.