Ian Wright Oo Doortay Shaxda Xulka England Ee Kulanka Germany &

Halyeeyga kooxda Arsenal ahna xiddigii hore ee xulka qaranka England ee Ian Wright ayaa soo xushay shaxda uu jeclaan lahaa in dalkiisu caawa kaga hortago dhigiisa Germany oo ay ku kulmayaan wareega 16-ka ee Euro 2020 ciyaar Wembley Stadium ka dhacaysa.

- Advertisement -

Wright ayaa sameeyay go’aano layaab leh isaga oo macalin Gareth Southgate kula taliyay inuu keydka ku cabo Jack Grealish iyo Bukayo Saka oo ahaa labadii xiddig ee bandhiga ugu fiican soo sameeyay kulankii Czech ee ugu dambeeyay oo ahaa ciyaarta kaliya ee ay kusoo bilawdeen.

Waxa jira talooyin loogu sheegayo Southgate inuu caawa shaxda shanta daafac ku ciyaaro caawa balse Wright ayaa qaba aragti ka duwan midaas isaga oo 4-3-3 doortay.

Bedelka Grealish iyo Saka, Ian Wright ayaa doortay in xulku ku ciyaaro labada da’yar ee kooxaha Chelsea iyo Manchester City ee Mason Mount iyo Phillip Foden.

Wright oo ITV la hadlaya ayaa yidhi “Waxaan dooran lahaa shaxda 4-3-3 waxaanan isku dayi lahaa inaanu awood kaga hortagno Germany”

“Mount ayaan soo gelin lahaa booska Grealish, afka hore waxaan ka ciyaarsiin lahaa Kane, Foden iyo Sterling , khadka dhexe waxaan ka ciyaarsiin lahaa Rice, Phillips iyo Mount kaddibna afar daafac oo kala ah Luke Shaw, Harry Maguire, John Stones iyo Kyle Walker”

Southgate ayaa la filayaa inuu Foden safkiisa hore kusoo celiyo halka Mount qudhiisu uu kusoo bilaaban karo walow uusan awoodin inuu tababar la qaato xiddigaha xulka maadaama oo uu karantiin galay.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More