Skip to content
Monday, August 24, 2026 10 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 24°C
Breaking: US Announces Sanctions as Part of ‘Economic Onslaught’ Against Iran
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Diyaarad ku dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho!

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Diyaarad-ku-dhacday-Garoonka-Aadan-Cadde-ee-Magaalada-Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho waxaa ku dhacday Diyaarad nuuca Xamuulka ah oo nuuceedu yahay 5Y-MHT, waxaana ay dooneysay in ay caga dhigato Garoonka sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Waxaa gurmad degdeg ah siiyay howlwadeenada, si aysan u sababin khasaare kale sida dab ka kaco, maadaama qaybta hore diyaaradda ay ku dhufsatay Darbiga Garoonka Aadan Cadde oo ay suuragal tahay in uu dab ka kaco, khasaaruhuna intaas uu kasii bato.

Sawirro laga soo qaaday waxaa laga dhex arki karaa dhaawac gaaray diyaaradda, waxaana jabay qaybta hore, kadib markii ay ku dhufsatay diyaaradda gidaarka (Xeen-daabka) Wareegga Garoonka.

Waxaa laga soo saaray Duulliyaha iyo caawiyihiisa sida mustaqbal ay ka xaqiijisay ilo xog ogaal ah, waxaana u suuragashay in laga soo saaro albaabka qaybta dadka ay ka raacaan diyaaraddaan.

Nuuca Diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa qaada dad kooban iyo Xamuul aan tankiisu badneen, wararka qaar ayaa sheegaya in ay u adeegeysay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ay agab u qaadeysay.

Sababta shilka ayaa loo badinayaa cilad dhanka Diyaaradda ah, balse waxaa goobta tagay guddi ka socda maamulka Garoonka Aadan Cadde si ay u qiimeeyaan waxyeelada gaartay una ogaadaan ciladda.

Kala soco Axadle wixii kasoo kordha.