GO’AAN: Real Madrid Oo Go’aankii Caalamku Sugayay Ka Gaarey Haddii Ay
Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka qaadatay haddiiba ay saxeexa garabka weerar ee Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe samaynayso suuqa xagaaga ee sanadkan 2021.
Mbappe ayaa si weyn loogu arkaa mid kamida xiddigaha ugu fiican dunida walow uu kaliya 22 sano jir yahay isaga oo da’daas ku gaadhay heer ciyaartoy waaweyn riyo ku ah.
Ninka French-ka ah ayaa loo arkaa ku guuleyste Ballon d’Or oo mustaqbalka ah balse su’aasha kaliya ee taagan ayaa ah kooxdee ayuu meteli doonaa mustaqbalka fog.
Heshiiska uu Kylian kula joogo Paris ayaa ah mid dhacaya xagaaga 2022, sida aad filan karto heshiiskiisa oo dhaw ayaa sababay in hadal hayn badani ka dhalato mustaqbalkiisa.
Sida uu sheegayo wargeyska Cadena SER, Real Madrid oo ah kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayo saxeexa Kylian ayaa hadda gaadhay go’aanka ah inaysan u dhaqaaqin dhinaciisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Madrid ayaa ugu dambayn aamintay inay wax aan macquul ahayn noqon doonto in Mbappe laga soo wado Paris xagaagan, Los Blancos ayaa qaba inaysan awoodin inay bar-bareeyaan dalabaadka ay PSG hordhigayso 22 sano jirkaas ee ay heshiis kordhinta kaga doonayso.
Haddiiba uu yimaado rabitaan dhinaca ciyaaryahanka ah oo uu doono inuu isagu ka baxo Paris xaalada ayaa isbedeli karta balse sida Cadena Ser warinayo Madrid ayaa haatan quus ka istaagtay.