SAADAAL: Mark Lawrenson Oo Saadaaliyey Kulamada Wareegga 16ka Ee Euro
Kulamada wareegga 16ka Euro ayaa la ciyaarayaa afarta habeen ee Sabtida illaa Salaasada, waxaana kala calaf-qaadi doona waddamada usoo gudbay wareeggan oo kala badh ay ka hadhi doonaan tartanka, iyadoo ay soo gudbi doonaan siddeed dal.
Saddex kulan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, kuwaas oo ay waddamo waaweyn oo tartanka loo saadaalinayay ku ballansan yihiin.
England ayaa la ciyaari doonta xulka qaranka Germany oo rikoodheyaal kaga reebay Koobkii Adduunka 1990kii iyo Euro 1996, waxaana ka dhaxaysa cadaawad weyn.
Sidoo kale, Portugal iyo Belgium ayaa wada ciyaaraya, waxaana iska hor imanaya laacibiintii waaweynayd ee la filayay inay qaarkood ku guuleysanayaan xiddignimada, sida Bruno Fernandes, Cristiano Ronaldo, Romelu Lukaku, Kevin de Bruyne iyo kuwao kale oo qaarkoodna hadhi doonaan kuwo kalena ay usii dagaallami doonaan koobka.
Ciyaarta kale ee xiisaha leh ayaa waxay tahay Spain iyo Croatia. Kulamada kale ayaa iyaguna dhamaantood ah kuwo aan kala dhicin balse saddexdaas ayay dalalkii waaweynaa ku kulmeen.
Khabiirka ciyaaraha ee Mark Lawrenson ayaa saadaaliyey kulamadan, waxaanu ka nixiyey Belgium oo uu ugu bushaareeyey guul-darro rikoodheyaal ah oo ay kusoo badin doonaan Portugal, iyadoo ciyaartooduna ku dhamaanaysa 1-1.
England iyo Germany ayaa uu iyagana kala saaray, waxaanu la saftay dhinaca waddankiisa isagoo sheegay in ay ku aargoosan doonaan isla natiijadii lagaga reebay tartankan 1996kii iyo Koobkii Adduunka 1990kii.
Saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada wareegga 16ka Euro:
Sabtida
Wales 1-0 Denmark
Italy 2-0 Austria
Axadda
Netherlands 1-0 Czech Republic
Belgium 1-1 Portugal – Rikoodheyaal ayuu Portugal ku badinayaa
Isniin
Croatia 1-2 Spain
France 2-0 Switzerland
Salaasa
England 0-0 Germany – England ayaa rikoodheyaal kusoo baxaysa
Sweden 1-0 Ukraine