“Dadka waa in la hubiyaa balse ma ahan in la dhibo” Taliye
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar oo uu wehliyo Taliyaha qaybta guud ee Booliiska Soomaaliyeeed Gen. Saadaq Cumar Maxamed ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay Socdaal u kuurgelid amni ah.
Saraakiishaan ayaa cagta marisay Degmooyin dhowr ah oo kala ah Howlwadaag, Yaaqshiid, Hiliwaa, Warta nabadda, Hodan kaaraan & Kaxda oo dhamaan baro kontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Gen. Cabdi Xasan Xijaar Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa askarta ku sugan baraha Kontrool ee lagala socda dhaq-dhaqaaqa Caasimadda waxa uu kula dardaarmay in ay dhowraan anshaxa Ciidanka oo si wanaagsan ula dhaqmaan dadka ay baarayaan.
Saraakiisha Booliiska ayaa dul tagay isgoysyada dhawaan dhagaxaanta laga qaaday waddooyinka Maka Al-Mukarama ee la dhigay isgoyada Warshadaha looga soo gudbo wadada Soddonka.
“Waxa aan kormeernay waddooyinkii dhagaxaanta aan ka qaadnay 5-cishe kahor, sidoo kale waxa aan qiimeyneynay kontoroolada cusub ee duleedka caasimadda dhaca iyo kuwa gudaha Degmooyinka Muqdisho si aan usoo ogaano isbadalka jira, Askarta waa in ay hubiyaan dadka balse waa in aan la dhibin, waana in loo turaa (loo naxariistaa)” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.
DFS ayaa 13-kii Bishaan ku dhawaaqday in ay qaaday dhagaxaantii horay ay u dhigtay Isgoysyada isku xira Wadnaha & Maka Al-Mukama, inkasta oo aan gaadiidka Dadweynaha ka gudbin, maadaama Ciidamada ku sugan ay dhigteen biro & kabarada qaadka lagu iibiyo.
Sidoo kale waxaa xiran jidadka dhanka Xaafadaha ah oo dhagaxaan waaweyn Dowladda Federaalka ay ku jirtay, halka meelaha qaar biro ay gelisay si aysan uga gudbin Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.
Axadle.