Arsenal Mise Real Madrid? Martin Odegaard Oo War Buuxa Kasoo Saaray

Da’yarka kubad sameeyaha ah ee ree Norway ee Martin Odegaard ayaa shaaciyay go’aanka buuxa ee uu ka gaadhay halka uu ka ciyaarayo xilli ciyaareedka dambe iyadoo Real Madrid iyo Arsenal labaduba ay doorbidayeen.

Odegaard ayaa caadi ahaan ka tirsan Real Madrid balse xilli ciyaareedkii dhammaaday qaybtiisii dambe qaab amaah ah kusoo joogay Emirates Stadium iyo Arsenal iyadoo kooxda Premier League ay damacday inay ugu yaraan sanad kale amaah ku hesho.

Qaab ciyaareedkii wacnaa ee uu Martin kusoo sameeyay Arsenal bilaha uu joogay ayaa ka dhigay Gunners kuwo rasmi u doonaya laakiin waxa uu markasta ahaa mid u muuqday inuu doonayo ku laabashada Real gaar ahaan kaddib bixitaankii Zinadine Zidane.

Martin oo la hadlay muuq-baahiyaha TV2 ayaa sheegay inuu Real Madrid ku laaban doono oo uu halkaas ka bilaabi doono xilli ciyaareedkiisa toddobaad iyo badh kaddib.

“Darajadayda haatan waa inaan ahay ciyaaryahan Madrid ah oo aan ku laaban doono kuna bilaabi doono (Tababarada) halkaas toddobaad iyo badh gudahood” ayuu yidhi 22 sano jirkaasi.

Odegaard ayaa ahaa midka dalbaday heshiiskii amaahda ahaa ee Arsenal bishii January kaddib markii uu qaybtii hore ee xilli ciyaareedka fursad badan ka heli waayay macalin Zinadine Zidane.

Laakiin waxa la filayaa in wakhtiga uu garoomada kasoo muuqdo Odegaard uu ka badan doono sidii hore kaddib imaanshaha Carlo Ancelotti kaas oo uu kooxda hore ugula soo shaqeeyay isaga oo aad u da’ yar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More