DEG DEG: Askar Kenyan ah oo ku la’day diyaarad la dhacday – …
Nairobi (Axadle) – Diyaarad ay leeyihiin millateriga Kenya ayaa maanta ku dhacday deegaanka Eremet ee Oltinga, Kajiado West, xili ay ku jirtay howl-gal tobabar, sida uu baahiyey Wargeyska The Standard.
Wargeyska ayaa kusoo waramaya in diyaaradaas ay saarnayeen ugu yaraan 20 qof, waxaana la arkayay marka ay soo dhaceysay ayada oo aad u holcaysa.
Diyaarada oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Kenya ayaa waxaa lasoo warinaya inay ku la’deen Askar badan, inkasta oo ay socoto samatabixintooda.
Ciidamada Difaaca Kenya ayaa dhankooda ayaguna xaqiijiyey dhimashada in la diiwaan-geliyey shilkii subaxnimadii, in kasta oo aan la helin tiro cayiman oo khasaarooyin ah oo ay soo gudbisay afhayeenka ciidamada, Zipporah Kioko.
“Waa wax laga xumaado, shilka kadib, waxaan la kulanay qasaaro nafeed. Geedi socodka lala xiriirayo qoysaska si aan u gaarsiino macluumaadka iyo tacsida KDF ayaa socota,” ayey tiri.
Diyaarada oo aheyd nooca Helicopter-ka ayaa ilaa hadda la garaneyn sababta keentay inay soo dhacdo xili ay ku jirtay howl-gal tobabar.
Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha la soco