Arsenal, Chelsea Iyo Tottenham Oo Kulamo Saaxiibtinimo Ciyaari Doona
Kooxaha reer London ee Arsenal, Chelsea Iyo Tottenham ayaa isku haleeli doona kulamo saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub, laakiin xambaarsan ujeeddo kale oo ah taakulaynta dadka baahan.
Chelsea, Arsenal iyo Tottenham ayaa ku heshiisyey in laba kastaaba ay dhinacooda u yeeshaan ciyaar saaxiibtinimo oo lagu ururinayo qaadhaan, balse ay noqonayaan kuwo taxane oo isku xiga, kuwaas oo lacagta kasoo xeroota loogu deeqayo dadka dhimirka ka xanuunsanaya ee gudaha UK.
Arsenal iyo Chelsea ayaa ku wada ciyaari doona garoonka Emirates Stadium maalinta Axadda ee August 1, waxaanay ciyaartoodu bilaabmi 3da galabnimo ee waqtiga UK.
Chelsea ayaa Arbacada toddobaadkaas waxay fiidka hore martigelin doontaa Tottenham oo ugu iman doonta Stamford Bridge ka hor inta aanay dhicin ciyaarta North London Derby ee Arsenal iyo Tottenham Axadda August 8 xilli ay saacaddu ku beegan waqtiga qadada.
Arsenal ayaa geli doonta jadwal cidhiidhi ah xagaaga, waxaanay ka qayb-geli doontaa tartanak Florida Cup oo ka qabsoomaya waddanka Maraykanka, halkaas oo ay u safri doonaan waxyar kaddib marka ay tababar ku qaataan garoon ku yaalla Scotland.
Mikel Arteta ayay kooxdiisu afar maalmood gudahood la ciyaari doonaa kooxaha reer Scotland ee Hibernian iyo Rangers oo ay la kala ciyaari doonaan July 13 iyo 14.
Florida Cup oo lagu qabanayo Ordlando ayay Arsenal kulankeeda ugu horreeya la ciyaari doontaa Inter Milanmarka ay taariikhdu tahay July 25, waana kulan semi-finalka tartankaas ah.