Mohamed Salah Oo Loo Diiday Inuu Xulka Masar U Ciyaaro Tartanka Tokyo
Xiddiga reer Masar Mohamed Salah ayaa seegi doona ciyaaraha Olambikada Adduunka ee ka dhici doona Tokyo, kuwaas oo la filayay inuu kaga maqnaado kooxdiisa Liverpool qaybta hore ee xilli ciyaareedka.
Ciyaaraha Olambikada ee lagu qabanayo Tokyo ayaa bilaabmi doona July 21 waxaanay socon doonaan illaa August 7, waxaanu xulka qaranka Masar rajaynayay in ay tartankan heli doonaan xiddigooda Mohamed Salah oo uu kala qaybgeli doono.
Laakiin horyaalka Premier League oo bilaabmaya August 14 ayaa saamayn ku yeeshan laacibkan, waxaanay kooxdiisa Liverpool go’aamisay in aanu laacibkani qayb ka noqonin ciyaaraha Olambikada.
Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Masar ee Ahmed Megahed ayaa helay jawaabta codsi uu u diray Liverpool oo uu ku weydiisanayay in Mohamed Salah loo fasaxo inuu dalkiisa kala qayb-galo ciyaaraha Olambikada, hase yeeshee Reds ayaa diidday, waxaanay u sheegtay in laacibkani uu kooxdiisa kala-qaybgeli doono ciyaaraha saaxiibtinimo ee isku-diyaarinta xilli ciyaareedka dambe, arrinta kale ee saamaynta lehna ay tahay in horyaalku uu kaabiga kusoo haynayo waqtigaas oo haddii uu Olambikada ciyaaro uu ka maqnaan doono kulamada hore.
Liverpool ayaa ka baqaysa in haddii Salah uu tago Tokyo Olympics, in uu u baahan doono waqti fasax ah marka uu tartankaasi soo dhamaado, xilli uu socdo horyaalka Premier League, taasina dhibaato ku noqonayso koox ahaan.
Megahed ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in ay adag tahay in Liverpool ay ogolaato in Mohamed Salah ay u fasaxdo ciyaaraha olambikada laakiin haddana aanay rajo dhigaynin, waxaanu yidhi: “Ma doonayo in aan idhaahdo macquul maaha in Salah uu ka qayb-galo olombikada, laakiin way adag tahay.”