Go’aan lagu gaaray wada-hadallo caawa dhex-maray Rooble iyo …
Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee la kala saxiixday 27-kii May ayaa caawa shir ku yeeshay qadka Zoom-ka.
- Advertisement -
Shirkaas waxaa caawa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa qabsoomidda doorashooyinka dalka, iyadoo la iska xogwareystay waxyaabaha ka qabsoomay illaa hadda heshiiskii ay wada gaareen madaxdu.
Sida ay Axadle u sheegeen ilo xog ogaal ah u ah shirkaas madaxdu waxay ku go’aamiyeen in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay shir isugu yimaadaan, kaas oo ka furmi doona Caasimadda Muqdisho.
Shirkaas waxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban ra’iisul Wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoominaha gobolka Banaadir uga wadahadli doonaan dardar gelinta doorashada dalka.
Shirka Sabtiga ka furmaya Muqdisho waxaa hor tegi doona guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la shiri doona dhamaan xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka.
Sidoo kale xogta aan ka helnay shirkii caawa waxay sheegeysaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland.
Guddigaas wasiirrada ah waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland.