“Hibo Khaas Ah Ayuu Leeyahay” – Xiddig Liverpool & Arsenal Isha Ku

Khubarada kubadda cagta England ee Gary Lineker iyo Micah Richards ayaa amaah ugu qubeeyay da’yarka weeraryahanka ah ee xulka qaranka Sweden ee Alexander Isak oo lala xidhiidhinayo kooxda Premier League ee Liverpool.

21 sano jirkaas ayaa qayb muhiima ka qaatay rigoorihii xulkiisa Sweden ka caawiyay inay guul ka gaadhaan dhigooda Slovakia kulankii shalay.

Isak oo xilli ciyaareedkii hore 17 gool usoo dhaliyay kooxdiisa Real Sociedad ayaan kaliya Liverpool lala xidhiidhinayn balse waxa dhinaceeda kaga jirta Arsenal.

Gary Lineker oo ah martigeliyaha barnaamijka The Match Of The Day ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu hibo khaas ah yahay Isak isla markaana uu xiiso ka heli doono kooxo badan oo Yurub ah.

Gary ayaa Twitter-ka ku yidhi “Uma malaynayo inuu shaki badani ku jiro in Alexander Isak uu soo jiidan doono dareen badan oo kooxaha Yurub ah, waa hibo khaas ah”

Dhinaca kale Richards ayaa ku sifeeyay Alexander Isak dheeman isaga oo sheegay in Arsenal ay dheemankaas helayso isla markaana uu jeclaan lahaa inuu Premier League ku arko.

“Isagu wuu lug fudud yahay marka loo eego inuu dheer yahay, haddii uu jiray qof kala duwanaanshaha samaynaya kulankan, ninkan ayuu ahaa” ayuu ugu horreynba yidhi Richards.

“Isagu waxa uu sidaas ka samayn karaa Premier League, waan jeclaan lahaa inaan isaga ku arko Premier League, isaga waxa lala xidhiidhinayay Arsenal sidaas darteed waxa laga yaabaa inaan halkaas ka helay dheeman”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More