Jose Mourinho Oo Soo Bandhigay Ceebta Uu Leeyahay Xiddiga Real Madrid

Tababaraha kooxda AS Roma ee Jose Mourinho ayaa amaan iyo wax ka sheegid iskugu daray garabka weerar ee Real Madrid ee Eden Hazard.

30 sano jirkaas ayay siddeed dhaawac soo gaadheen intii lagu jiray xilli ciyaareedka 2020-21 waxaana uu durba ka maqnaaday 50 kulan Real Madrid laba sano oo uu la joogay kaddib markii uu heshiis 88 Milyan oo pound ah ugaga wareegay Chelsea.

Hazard oo kaliya laba kulan ugu soo bilawday Real tan iyo bishii January ayaa eedayn kala kulmay jamaahiirta kooxdaas oo ku qabsaday inuu ku fashilmay inuu taam ahaanshihiisa joogteeyo isaga oo lagu qiimeeyay mid naaxsan bilawga kahor labadii xilli ciyaareed ee uu joogay.

Bishii March ayay ahayd markii xiddigii ay Chelsea hore uga soo wada tirsanaayeen Blues ee John Obi Mikel uu ku sifeeyay Hazard mid aan jeclayn inuu si adag u tababarto.

Haatan markale tababare Mourinho ayaa ku sifeeyay ciyaaryahan cajiib ah balse aan si adag u shaqayn isaga oo u muuqda mid aragtidii hore la qaba John Obi Mikel.

“Waa ciyaaryahan cajiib ah oo tababarka ku xun” ayuu TalkSPORT u sheegay Mourinho kaddib markii uu Hazard caawiye ka noqday goolkii guusha ee xalay xulka Belgium uu u dhaliyay Kevin De Bruyne.

“Isagu garoonka ayuu soo galaa subax kasta in badana ma shaqeeyo, waad qiyaasan kartaa waxa uu noqon kari lahaa haddii uu ahaan lahaa xirfadle sarre (Mid tababarka ku fiican)”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More