VIDEO: Go’aan Garsoore Oo Dad Badan Ka Yaabiyay Oo Ka Dhacay Kulankii
Go’aan offside oo la dhigay kulankii furitaanka koobka Qaramada Yurub ee u dhaxeeyay Talyaaniga iyo Turkiga ayaa noqday hadalheynta ugu weyn ee baraha bulshada iyadoo dad badan ay ka doodeen inay aheyd go’aan sax ah ama mid qalad ah.
Daqiiqadii 46aad ee kulankii ka tirsanaa Group A xalay oo Jimce aheyd ayaa weeraryahanka Italy Lorenzo Insigne ayaa go’aansaday inuu koorno gaaban u baaso saaxiibkiisa Domenico Berardi oo taagnaa xariiqda goolka gadaashiisa.
Italy with the worst corner ever lmfao offside pic.twitter.com/DQy89xjKv0
— GC (@VaIverdeSZN) June 11, 2021
Berardi ayaa ka dib isna baas u dhigay xiddiga khadka dhexe Jorginho laakiin wax yar ka dib ciyaarta waa la joojiyay markii calanwadaha uu taagay calanka offside-ka, taasoo ka yaabisay dad badan oo ciyaarta daawanayay.
Dad badan ayaa su’aal ka keenay haddii koorno ay sababi karto offside iyo haddii kale iyadoo sharciga uu dhoigay inaysan jirin offisde haddii ciyaaryahan uu si toos ah kubad koorno ah uu u helayo.
Madaama Insigne uu si toos ah kubada ugu baasay Berardi inkastoo uu banaanka ka joogay garoonka ka hor inta aan baaska la sameynin, hadana sharciga ayaa dhigaya inaysan taasi offside aheyn. Madaama kubadaha gacanta iyo koornooyinka aysan noqonin offside.
It’s official. The refs don’t know the rules. Italy was just called offside from a corner. https://t.co/AMjHTvXWWl pic.twitter.com/6nfJGxpHCW
— FPL_Dragoon (@DragoonFpl) June 11, 2021
FPL_Dragoon ayaa Twitter: “Waa rasmi. Garsoorayaasha ma garanayaan sharciga. Italy waxaa laga dhigay offside kubad koorno aheyd.”
Am I twisted or are there no offsides direct from corners? Why did the lino flag italy there
— Luke Rogers (@saiint) June 11, 2021
Luke Rogers ayaa isna qoray: “Ma anigaa waalan mise offside lama dhigo kubadaha tooska ah ee koornada? Waa maxay sababta uu calanwadaha ugu taagay Italy calankiisa.”
Dhanka natiijada ciyaarta, Italy ayaa 3-0 ku xasuuqday Turkiga iyagoo uga mahadcelinaya Ciro Immobile, Lorenzo Insigne iyo gool uu iska dhaliyay Merih Demiral.