“Halka sano ee aqoonsiga FIFA kama dhigna in Roogga saaran

Xiriirka kubadda Cagta adduunka ee FIFA ayaa muddo sanad ah garoon Caalami ah u aqoonsaday Stadium Muqdisho, kamid markii heerar kala duwan oo dhinaca dhismaha ah oo uu soo maray garoonkaan.

FIFA ayaa soomaaliya usoo dirtay kor joogto qiimeyn ku sameysay garoonkaan oo uu xarig jaray Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 30-kii June 2020, kadib muddo howl hagaajin ah oo ka socotay.

Garoonka ayaa martigeliyay kulamo kala duwan, dhawaan ayaa loo fasaxay taageerayaasha, kadib markii Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha XFS ay sheegtay in la qaaday xayiraadda dhanka ka qaybgalayaasha sabab markii horeba ku timid faafitaanka Covid-19.

Wakiilo ka kala socotay Midowga yurub & Dowladda Norway ayaa 8-dii July tagay todobaad kadib xarrig jarka uu ku sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Halkaan ku dhufo si aad u aqrisid Warbixinta oo intaan ka faah-faahin “Aqoonsiga FIFA & Waxyaabaha ka dhiman Garoonka”

Haddaba, intee ayay gaarsiisan tahay Rajada laga qabo in Xiriirka FIFA uu siiyo aqoonsi aan sanad ama sanado ku xirneen Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho?

Dhismaha Garoonka Ciyaaraha Muqdisho miyuu dhamaaday mise waxbaa dhiman?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More