Waatan Shaxda Aan La Joojin Karin Ee Ay PSG Doonayso Inay Abaarta

Paris Saint-Germain ayaa wax ka bedelaysa safka kooxdeeda suuqa xagaaga xilli uu tababare Mauricio Pochettino isku dayi doono inuu xilli ciyaareedka dambe u tartamo koobabka maxaliga ah iyo kuwa Yurub labadaba.

Kooxda French-ka ah ayaa soo dhammaysatay xilli ciyaareed qalbi-jab ah iyadoo ku bilaabatay xilli ciyaareedkii hore qaab gaabis ah kuna fashilantay inay si buuxda gadaal uga soo kabato.

Paris ayaa xilli ciyaareedkii dhawaa horyaalka u waayay kooxda Lille laakiin waxa ay isku dayi doonaan inay Ligue 1 dib u hantaan sanadka dambe gaar ahaan kaddib marka ay sameeyaan saxeexyo dhawr ah sida Georginio Wijnaldum.

Pochettino ayaa yimid sanadkii dhawaa gudaha xilli ciyaareedka laakiin xilli ciyaareed buuxa iyo suuqa oo uu si fiican u galo ayaa la filayaa inuu guulo ku keeni karo.

Paris ayaa haddaba qarka u saaran saxeexa goolhaye Gianluigi Donnarumma iyo waliba Wijnaldum oo labadaba ay kaliya uga hadheen inay ku dhawaaqaan.

Serge Aurier ayaa la filayaa inuu booska daafaca midig ugu soo bilaaban karo kaddib markii uu dhawaan qirtay inuu doonayo ku laabashada kooxdiisii hore walow uu inta badan dookha labaad ahaa markii uu Pochettino kula shaqaynayay Tottenham.

Ciyaaryahanka kale ee ku cusub ayaa ah Cristiano Ronaldo oo ugu dambayn Parc des Princes ka degi kara kaddib markii la sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Juventus.

Shaxda Uu Wargeyska The Sun U Saadaaliyay PSG 2021-22 Oo Dhammaystiran

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More