Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Wargeysyada Waaweyni

Manchester United ayaa loo sheegay in ay bixiso £81.5 milyan oo Gini oo kaash ah si ay ula saxeexan karto weeraryahanka reer England ee Jadon Sancho oo 21 jir ah. (Mirror)

Man City ayaa heli doonta £11 milyan oo Gini haddii Manchester United ay iibsato Jadon Sancho, sababtoo ah, Etihad Stadium ayuu kusoo barbarbaaray laacibkan da’da yar. (Mirror)

Tottenham ayaa raadinaysa tababare waxaanay wada-hadallo kula jirtaa macallinka Ajax ee Erik ten Hag oo 51 jir ah, kaddib markii ay burbureen wada-hadalkii Antonio Conte. (Mirror)

Duncan Ferguson ayaa iska diiday kooxdiisa Everton si uu ugu beddelo Carlo Ancelotti oo usbuucii hore iska casilay, kuna laabtay Real Madrid. (Sun)

Difaaca midig ee Atletico Madriod ee Kieran Trippier oo 30 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayo in uu tago Manchester United xagaagan. (Mirror)

Barcelona waxay ka fiirsanaysaa in ay sare u qaaddo mushaharka ay u bandhigayso xiddiga reer Netherlands ee Georginio Wijnaldum oo 30 jir ah, si ay ugaga guuleysan karaan PSG oo kula tartamaysa. (Marca)

Haddii Barcelona ay dhamaystiri kari weydo saxeexyada Wijnaldum iyo Memphis Depay, waxay u jeedsan doontaa safka kooxdeeda iyadoo iibin doonta afar ciyaartoy. (Sport)

Tottobaadkii hore ayay Barcelona u bandhigtay heshiis waqti dheer ah 18 jirkeeda reer Spain ee Ilaix Moriba oo qandaraaskiisa hadda uu ka hadhsan yahay hal sano. Man City iyo Man United ayaa lala xidhiidhinayaa. (Marca)

Tababaraha cusub ee Roma ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu lasoo saxeexdo goolhayaha Tottenham ee Hugo Lloris ama Wojciech Szczesny oo Juvenuts ah, halka Rui Patricio oo Wolves u ciyaara uu isaguna ku jiro diiraddiisa. (La Gazetta dello Sport)

Xiddiga Arsenal ee Granit Xhaka ayaa wali ah bartilmaameedka koowaad ee Roma. (Corriere dello Sport)

Atletico Madrid ayaa la filayaa in ay dalab rasmi ah ka gudbiso laacibka khadka dhexe ee Rodrigo de Paul oo ah 27 jir u ciyaara Udinese, kaas oo ay sidoo kale doonayaan Liverpool iyo AC Milan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More