Maxay Tahay Sababta Ay Xiddigaha Xulka Brazil Uga Soo Horjeedaan In

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha xulkiisu ay kasoo horjeedaan go’aanka xilli dambe dalkooda loogu wareejiyay masuuliyada ah inay Copa America martigeliyaan gudaha bishan June.

Xidhiidhka kubadda cagta ee CONMEBOL ayaa shaaciyay inay dalalka Argentina iyo Colombia ka qaadeen masuuliyada martigelinta tartanka iyaga oo uga wareejiyay Colombia xasilooni daro halka ay Argentina korodhka Korona Fayras uga qaadeen.

Kabtanka xulka Brazil ee Casemiro ayaan kasoo muuqan shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyay sababtoo ah inuusan ku faraxsanayn in dalkooda xilli dambe si kama’ ah loo saaray masuuliyada martigelinta koobka.

Tababare Tite ayaa hadda shaaca ka qaaday in safka xulkiisa oo la hadlay madaxweynaha xidhiidhka ee Rogerio Caboclo ay si rasmi ah saxaafada uga hor sheegi doonaan inaysan la dhacsanayn aragtida xilli dambe dalkooda lagu saaray masuuliyada martigelinta.

Tite ayaa yidhi “Iyagu aragti ayay leeyihiin, waxay u bandhigeen madaxweynaha saxaafada ayayna kahor sheegi doonaan wakhtiga saxda ah”

“Taasi waa sababta uu kabtankayaga Casemiro u maqan yahay maanta” ayuu yidhi macalinka xulka Samba oo xaqiijiyay inuu isla sababtaas Casemiro u maqan yahay.

Brazil ayaa Ecuador la ciyaari doonta Jimcaha maanta halka ay Paraguay la ciyaari doonto Salaasada kulamo ka tirsan isreeb-reebka koobka aduunka ee 2022 ee South America.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More