Deni oo shaaciyey waxa dhici kara ‘haddii la fulin waayo’ he…

Garoowe (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo ka qeyb-galay munaasibad soo dhoweyn ah loogu sameeyay degmada Qardho, ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Caasimadda Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligaan mareyso meel halis ah oo loo baahan yahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u istaagan si xal buuxa loo gaaro.

Waxa uu ka digay halista ka dhalan karta haddii uu fuli waayo heshiiskii doorashada ee dhawaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir ay ku saxiixeen Caasimadda Muqdisho.

“Marxalad adag ayuu marayaa dalka weli, marxalad noocii Dowladnimo oo aan sugeynay wali wada-hadal uu ka socdo ayuu marayaa. Soomaaliya waxay ku dhici doonta god weyn haddii la fulin waayo heshiiskii,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay madaxweynaha maamulka Puntland muhiimada uu leeyahay heshiiskii ay ku saxiixeen Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka, kaasi oo soo afjaray khilaaf muddo badan ka taagna hanaanka doorashada.

Heshiiska doorashada ee dhawaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Benaadir ku saxiixeen Caasimadda Muqdisho ayaa rejo cusub dhaliyey, xili uu dalka galay xaalad hubanti la’aan ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More