WARKII LA SUGAYAY: Zidane Oo Qoraal Dheer Ku Weeraray Florentino Perez

Zinedine Zidane ayaa eedaymo u jeediyey Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane maalmo kaddib markii uu iska casilay shaqada tababarenimo, waxaanu sheegay in uu ka waayey ixtiraamkii uu mudnaa iyo kooxda oo ay muuqato in aan lagu samaynayn dhisme.

Zidane ayaa qoraal uu soo saaray, waxa uu sheegay in sababta uu uga tegayo Real Madrid ay tahay, in aanu kooxda ka haysanin kalsoonidii uu u baahnaa, taasina keentay in uu iskaga tago shaqadiisa.

Warqad dheer oo wargeyska AS uu u gudbiyey Zidane ayuu ku yidhi: “Taageereyaasha sharafta leh ee Real Madrid, in ka badan 20 sannadood, laga bilaabo maalintii ugu horreysay ee aan imid ee aan xidhay shaadhka midabka cad, waxa aad ii muuujiseen jacaylkiina. Waxa aan doonayaa in aan idiin soo qoro warqaddan oo aan idinku macasalaameeyo, idiinkuna sharraxo sababtii igu kalliftay in aan iskaga tago shaqada tababaridda.

“Waan tegayaa, laakiin kama boodayo dusha sare, kamana daalin tababaridda. May 2018 sababtii aan u tegay laba sannadood iyo badh guulo badan iyo koobab badan ahaa, waxay ahayd in aan dareemay in kooxdu u baahan tahay jiho cusub si ay heerka ugu sarreeya usii joogto. Waqtigan hadda la joogo, arrintu way ka duwan tahay. Sababta aan u tegayaa waa in aanan dareemaynin kalsoonidii aan u baahnaa iyo taageeradaii dhismaha kooxda ee waqtiga dhexe ama waqtiga dheer midnaba.

“Waan fahamsanahay kubadda cagta, waxaanan garanayaa waxyaabaha laga doonayo koox sida Real Madrid ah. Waxa aan garanayaa in marka aanad guuleysanin aad tegayso. Laakiin tan waxa aan ku illoobayaa arrin aad muhiim u ah, wax kasta oo aan dhisay maalinba-maalinta xigta, waa la illooba, wixii aan ku keenay xidhiidhkii aan la lahaa ciyaartoyda, 150ka qof ee la shaqeeya iyo kooxda ku xeeran.

“Anigu waxa aan ahay guuleyste dabbiici ah, waxaanan halkan u joogay in aan koobab hantiyo, laakiin waxa tan kasii muhiimsanaa dadka, dareenkooda, nolosha laf ahaanteeda, waxa aanan dareemayaa in aan waxyaabahan xisaabta lagu darin, taas oo ay guul-darro noqonayso in la fahmi waayo in waxyaabahani ay keeneen in isbeddello waaweyni ku dhacaan kooxda. Waxa intaa dheer, in illaa xad la igu canaantay.

“Waxa aan ka doonayaa, in halkaa lagaga ixtiraamo wixii aanu wada-jirka ugu guuleysanay. Waxa aan jeclaan lahaa xidhiidhka aan la leeyahay kooxda iyo madaxweynaha ee bilihii yaraa ee tegay in ay ka duwanaayeen tababareyaasha kale. Ma aanan weydiisanayn sharfid, dabcan maya, kaliya xusuus yar oo dheeraad ah.

“Maalmahan nolosha tababaraha ee koox weyn ayaa ah laba xilli-ciyaareed, waxyar ayay dheeraataa. Si ay usii dheeraato (nolosha tababare ee koox weyn), waxa lama huraan ah xidhiidhka aadamaha oo ka muhiimsan lacagta, ka muhiimsan inaad caan noqot, ka muhiimsan wax walba. Waxay u baahan yihiin in la kobciyo.

“Taasi waa sababta ay in badan ii dhaawacdo marka aan wargeysyada ka akhriyo, guul-darrada kaddib, in la i caydhinayo haddii aanan guuleysanin kulanka xiga. Way i dhaawacdaa aniga iyo guud ahaan kooxdaba sababtoo ah, tani waa farriimo si badheedh ah loogu gudbiyo warbaahinta (Maamulka kooxda ayuu tuhunsan yahay), si ay qaab xun saamayn ugu yeeshaan ciyaartoyda, waxay abuuraysaa shaki iyo is-faham-darro.

“Nasiib-wanaag, waxa aan haystay ciyaaryahannadan cajiibka ah oo i garab taagnaa illaa heer dhimasho. Marka ay wax xumaadaan iyaga ayaa guulo igu badbaadinayay, sababtoo ah way i aaminsanaayeen, waanay ogaayeen in aan iyaga aaminsanahay.”

Hadalka kasoo yeedhay Zidane ayaa waxa uu wax badan ka iftiiminayaa sidii uu ahaa xidhiidhka u dhexeeyey Zinedine Zidane iyo Florentino Perez oo halkan laga fahmayo in uu aad u xumaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More