KOOXDA SANADKA: Waatan Shaxda Xilli Ciyaareedkan Ugu Fiican Champions
Xilli ciyaareedkii Champions League ee 2020-21 ayaa soo dhammaaday habeenimadii Sabtidii xalay ahayd iyadoo uu ku dhammaaday ciyaar dhex martay kooxaha ree England ee Chelsea iyo Manchester City.
Labada kooxood ayaa fooda isku daray gegida kooxda Porto ee Estádio do Dragão iyadoo Blues ay noqotay kooxda farxada la hoyata kaddib gool ay ka heshay Kai Havertz oo ay libinta ku heshay.
Haddaba, waxaanu idinla wadaagaynaa shaxa kooxdii ugu fiicnayd tartanka xilli ciyaareedkan 2020-21 oo ay soo xushay shabakadda Whoscored.com taas oo samaysa xogo ku samaysan qiimaynta dhabta ah ee ciyaaryahan kasta kulan kasta ka sameeyo.
Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah shabaq ilaaliyaha Chelsea ee Edouard Mendy halka labada daafac dhexe ay yihiin Christian Romero oo Atalanta ka tirsan iyo Niklas Sule oo Bayern Munich qayb ka ah.
Daafaca midig ee xulashada Whoscored ayaa ah Juan Cuadrado oo Juventus wareegii 16-ka kula hadhay halka uu daafaca bidix yahay Alex Sandro oo isaga qudhiisu Chelsea ah.
Labada khad dhexe ee afarta ciyaaryahan ee shaxdan ugu soo baxay ayaa kala ah Joshua Kimmich oo ugu muhiimsan dhexda Bayern iyo mashiinka Man City ee Kevin De Bruyne.
Labada garab weerar ayaa ah xiddigihii afar dhammaadka kula hadhay PSG ee Neymar iyo Kylian Mbappe halka labada weeraryahan ee Whoscored ay xulatay ay yihiin kabtanka Barcelona ee Lionel Messi iyo Erling Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan goolasha ugu badana tartanka kasoo dhaliyay xilli ciyaareedkan.
Shaxda Oo Kooban: Mendy, Sule, Romero, Cuadrado, Sandro, Kimmich, De Bruyne, Neymar, Mbappe, Messi, Haaland.