Antonio Conte Oo 48 Saacadood Gudahood Isku-casilaya Iyo Kooxda Uu
Warar layaableh ayaa kasoo baxaya waddanka Talyaaniga, waxaanay sheegayaan in tababare Antonio Conte uu go’aansaday in uu iska casilo kooxdiisa Inter Milan, taas oo uu ka baxayo 48 saacadood gudahood.
Antonio Conte oo Inter Milan u qaaday horyaalka Talyaaniga ee Serie A, soona afjaray toban sannadood oo ay koobkaas qaadanaysay Juventus ayaa si lama filaan ah waxa uu u gaadhay go’aan uu kaga tegayo shaqada kooxdaas.
Tababarahan Talyaaniga ayaa la filayay in ugu yaraan hal sano oo kale uu sii joogi doono Inter, laakiin ismaan-dhaaf ayaa lasoo warinayaa in uu u dhexeeyo maamulka kooxda oo doonaya in ay iska iibiyaan tiro ka mid ah ciyaartoyda waaweyn, sidoo kalena ay hoos u dhigaan mushaharooyinka ciyaartoyda kale iyo shaqaalaha, si ay ula tacaalaan dhaqaale xumo kooxda haysata.
Madaxweynaha Inter Milan ee Steven Zhang ayaa toddobaadkii hore waxa uu u sheegay Conte in uu ciyaartoyda lacagta badan goynaysa iibinayo, kuwaas oo uu ku jiro Romelu Lukaku, diyaarna ay u noqdaan isaga (Conte) iyo ciyaartoyda kale in ay mushaharkooda hoos u dhigaan inta lagu jiro xagaaga.
Sida uu qoray wargeyska La Gazzetta dello Sport, Antonio Conte ayaa isku diyaarinaya in uu burburiyo heshiiska uu kula jiro Inter Milan, taas oo ka dhigan in uu ka tanaasulayo lacag dhan £5.2 milyan oo Gini oo uu mushahar u qaadan lahaa.
Haddii uu ka tago San Siro, Conte ayaa la filayaa in uu dalabyo degdeg ah ka helo kooxo badan, gaar ahaan Tottenham oo raadinaysa macallin u beddela Jose Mourinho oo ay caydhisay xilli ciyaareedka oo kulamo kooban ka hadhsan yihiin.