Maxay Ahayd Abaal-marintii Labaad Ee Harry Kane La Siiyey, Maxaa se
Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee muddo 22 sannadood ah hal xilli ciyaareed ku wada guuleysta abaal-marinta kabta dahabka ah iyo abaal-marinta kubbad-sameeyaha ugu wanaagsan.
Harry Kane ayaa ku guuleystay kabta dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka iyadoo uu saxeexay 23 gool xilli ciyaareedkan, waxaana gool uu dhaliyey kulankii ugu dambeeyey uu ku dhaafay Mohamed Salah oo ay isku dhegganaayeen, isla markaana 22 gool lahaa.
Laakiin waxa uu xiddiga reer England ku daray caawin uu sameeyey goolkii saddexaad ee kooxdiisa ee uu dhaliyey Gareth Bale, kaas oo ahaa kubbad uu difaaca iyo goolhaye Kasper Schmeichel xerada ganaaxa dhexdeeda seexiyey dhawr jeer kaddibna uu dib ugu soo celiyey Bale oo isaguna shabaqa ku hubsaday, waxaanay kubaddaasi ahayd caawintii 14aad ee horyaalka Premier League uu ka sameeyo xilli ciyaareedkan.
Marka la isku-geeyo goolasha uu dhaliyey oo ahaa 23 iyo caawintiisa ayaa waxay ka dhigaysaa in uu ku lug yeeshay 37 gool oo uu inta badan isagu saxeexay, inta kalena caawiye ka noqday.
Ma jirin ciyaartoy kale oo dhaliyey ama caawiye ka noqday Harry Kane, waxaanu hoggaaminayay caawinta iyo dhalinta mid walba gaarkiisa.
27 jirkan ayaa markii ay ciyaartu soo dhamaatay waxa la siiyey abaal-marinta kabta dahabka ah iyo abaal-marinta kubbad-sameeyihii ugu wanaagsanaa, isagoo sidaas ku noqday laacibkii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ku guuleysta labadan abaal-marinood muddo 22 sannadood ah.
Laba ciyaartoy oo kaliya ayaa taariikhda Premier League kusoo guuleystay kabta dahabka ah iyo kubbad-sameeyaha, waxaanay ahaayeen Andy Cole oo xilli ciyaareedkii 1993/94 labadan abaal-marinood ba wada qaatay iyo Floyd Hasselbaink oo 1998/99 ku wada guuleystay.
Cole ayaa dhaliyey 34 gool iyo 13 caawimood oo uu ku daray, halka Hasselbaink uu 18 gool dhaliyey 13 caawimoodna ku darya.