GOLDEN BOOT: Yaa Hogaaminaya Kabta Dahabka Yurub? Liiska Dhameystiran

Iyadoo shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ay ku dhawaanayaan gabagabo, waxaa isagana soo gabagaboobaya tartanka kabta dahabka ee Yurub.

Abaalmarinta Kabta Dahabka (Golden Boot) waxaa la siiyaa xiddiga ugu goolasha badan horyaalada Yurub xilli ciyaareedka oo dhan, laakiin waxaa lagu bixiyaa dhibco madaama horyaalada Yurub aysan isku qiimo aheyn. Shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub gool walba wuxuu u dhigmaa labo dhibcood halka horyaalada ka hooseeya uu gool walba u dhigmo 1.5 dhibcood ama hal dhibic.

Sannadkii la soo dhaafay xiddiga Lazio Ciro Motionless ayaa ku guuleystay kabta dahabka isagoo 36 gool ka dhaliyay horyaalka Serie A, wuxuu labo gool abaalmarinta uga qaaday Robert Lewandowski.

Sannadkan waxaa abaalmarinta hogaaminaya xiddiga Bayern Munich oo weliba hal gacan ku sii heysta kabta dahabka.

Weeraryahanka Poland oo 32 sanno jir ah ayaa dhaliyay 40 gool kaliya 28 kulan uu saftay Bundesliga xilli ciyaareedkan, waxaana u haray kaliya hal kulan.

Goolkiisii ugu danbeysay wuxuu ahaa rigoore uu dhaliyay kulankii ay barbaro 2-2 Sabtidii la galeen Freiburg isagoo barbareeyay rikoodhkii horyaalka ee Gerd Muller oo taagnaa muddo 39 sannadood.

Toban ka mid ah 12kii abaalmarin ee ugu danbeeyay ee Kabta Dahabka marka laga reebo Motionless oo ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2019-20, waxaa ku guuleysanayay midkood Lionel Messi ama Cristiano Ronado iyadoo mid ka mid ah la wadaagay.

Si kastaba, midkoodna halyeeyada qarnigaan 21aad fursad uma heystaan inay dib ugu guuleystaan abaalmarinta.

Inkastoo ay ku kala jiraan kaalinta labaad iyo seddexaad hadana Messi uu leeyahay 30 halka Ronaldo uu hal gool kale ka sii danbeeyo.

Kaliya Sarreynta Kabta Dahabka Yurub

Robert Lewandowski – Bayern Munich, Bundesliga (40)Lionel Messi – Barcelona, La Liga (30)Cristiano Ronaldo – Juventus, Serie A (29)Andre Silva – Eintracht Frankfurt, Bundesliga (27)Kylian Mbappe – Paris Saint-Germain, Ligue 1 (26)Erling Haaland – Borussia Dortmund, Bundesliga (25)Gerard Moreno – Villarreal, La Liga (23)Romelu Lukaku – Inter Milan, Serie A (23)Harry Kane – Tottenham Hotspur, Premier League (22)Karim Benzema – Actual Madrid, La Liga (22)Luis Muriel – Atalanta, Serie A (22)Mohamed Salah – Liverpool, Premier League (22)Paul Onuachu – KRC Genk, Jupiler Professional League (29)Dusan Vlahovic – Fiorentina, Serie A (21)Kasper Junker – FK Bodø/Glimt, Eliteserien (27)Patson Daka – RB Salzburg, Austrian Bundesliga (27)Luis Suarez – Atletico Madrid, La Liga (20)Wout Weghorst – Wolfsburg, Bundesliga (20)Ciro Motionless – Lazio, Serie A (20)Memphis Depay – Lyon, Ligue 1 (20)Wissam Ben Yedder – AS Monaco, Ligue 1 (20)Simy – Crotone, Serie A (20)Georgios Giakoumakis – VVV-Venlo, Eredivisie (26)Andrej Kramaric – Hoffenheim, Bundesliga (19)Lorenzo Insigne – Napoli, Serie A (19)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More