Sawirro: PM Rooble oo kaqeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti – Axadle
Jabuuti (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay maanta munaasabad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha cusub ee dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Raiisel wasaaraha ayaa ku amaanay shacabka iyo dowlada jabuuti horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsadeen madaxweyne Geelle isagoo rajeeyay in dadaaladaasi ay sii socon doonaan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa wada hadallo la qaatay qaar kamid ah madaxdii iyo diblomaasiyiintii ka soo qeyb gashay xafladda oo ay ka wada hadleen danaha guud ee dalkeenna.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeyb galaya caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Mudane Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Difaaca Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale xafiiska raiisul wasaaraha.