Macquul Ma Tahay? Barcelona Oo Doonaysa Inay Kooxdeeda Keento

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay isha ku hayso saxeexa tababaraha Bayern Munich kasii socda ee Hansi Flick iyaga oo kula tartami doona maamulka xidhiidhka kubadda cagta Germany oo xulka Germany u doonaya.

Flick oo ahaa tababaraha Bavaria markii ay Barcelona natiijada 8-2 ah ku bahdileen ayaa dhawaan shaaciyay inuu iskaga tagayo Bayern marka uu xilli ciyaareedku dhammaado iyadoo kooxdaasi bedelkiisa ula saxeexatay tababaraha RB Leipzig ee Julian Nagelsmann.

Hansi Flick ayaa u muuqda mid hubaal u saxeexi doona xulka qaranka Germany oo uu ka tagayo tababare Joachim Low oo tan iyo 2006 macalin usoo ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay u badantahay inuu Flick la wareegi doono Germany kaddib tartanka Euro ayuu wargeyska AS sheegayaa inay Barcelona isku dayi doonto saxeexa 56 sano jirkaas.

Tababaraha wakhtigan ee Barcelona ee Ronald Koeman ayuu hadda cadaadis ku saaran yahay shaqadiisa kooxdaas iyadoo ay u badantahay inay seegeen ku guuleysiga horyaalka La Liga kaddib natiijooyin xidhiidh ah oo dib u dhac ah.

Koeman ayaa dhawaan uun kula guuleystay Copa Del Rey Barca balse kooxda ayaan wali qanacsanayn maadaama oo ay wareega 16-ka kaga hadheen Champions League sidoo kalena qarka u saaran yihiin inay La Liga waayaan sanadkii labaad ee xidhiidh ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More