Jurgen Klopp Oo Tilmaamay Fursadda Kaliya Ee Liverpool Ku Iman Karto

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa bartilmaameedsanaya in 12 dhibcood ay Liverpool ka hesho afarta kulan ee ugu hadhay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib guushii 2-0 ahayd ee ay xalay ka gaadheen Southampton.

Reds ayaa soo gashay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League iyagoo lix dhibcood ka dambeeya Leicester Metropolis oo afraad ku jirta laakiin Liverpool ayaa haysata hal kulan oo ay ciyaartay Foxes oo ay ugu soo dhowaan karto.

Laba gool oo ay dhaliyeen Sadio Mane iyo Thiago Alcantara ayaa Liverpool ugu filnaaday in saddexda dhibcood ay Southampton kaga qaadato Southampton, , taas oo ka dhigan in Khamiista ay u safri doonto Previous Trafford iyagoo ku hamiyaya in ay kaalinta afraad soo galaan.

Leicester Metropolis ayaa saddexda kulan ee u hadhay ay aad u adag yihiin, waxaanay taasi rajo gelinaysaa Liverpool oo haddii ay guuleysato kulamada baaqiga u ah soo geli karta kaalinta afraad.

Manchester United, Tottenham iyo Chelsea ayay Leicester Metropolis la ciyaari doontaa kulamadeeda hadhay ee saddexda ah, waxaana Jurgen Klopp oo warbaahinta la hadlay xalay uu tilmaamay fursadda kaliya ee ay Liverpool ku iman karto Champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Waa in aanu badino kulamada noo hadhay, waxaanay ila tahay in afar guulood nagu filnaan doonaan.” Ayuu yidhi Klopp oo xusayay in afarta ciyaarood ee u hadhay oo ay badiyaan ay ku iman doonaan kaalinta afraad, ayna kaga soo qayb-geli karaan Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More