Lacagta Uu Qaato Waxay Ka Badan Tahay Lacagta Soo Gasha Afar
Xaqiiqda ah in Cristiano Ronaldo uu yahay xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Serie A ma ahan lama filaan laakiin waxaa amakaak kugu noqoneysa xaqiiqda ah in weeraryahanka Juventus uu qaato lacag la mid ah ama ka badan inta aysan sameeyaan afar kooxood oo Serie A ka dhisan.
35 jirkaan ayaa heshiis uu sannadkii ku qaadanayo 31 milyan euro waxa uu kula jiraa Juventus, afar kooxood oo Serie A ka dhisan ayaana miisaaniyadooda sannadkii ay la eg tahay lacagtaas ama ka yar tahay waxayna kala yihiin Udinese, Hellas Verona, Spezia iyo Crotone.
Sida ay sheegtay La Gazzetta dello Sport, lacagta uu qaato Cristiano Ronaldo waa mid aad u badan iyadoo xiddiga labaad ee ugu mushaharka badan Serie A uu afar jibaar ka hooseeyo lacagta uu qaato xiddiga reer Portugal waana ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Matthijs de Ligt.
Daafaca reer Holland ayaa sannadkii qaata sideed milyan euro halka Romelu Lukaku uu sannadkii mushahar ahaan u qaato 7.5 milyan euro basle uu ka sarre mari karo De Ligt haddii uu helo 1.5 milyan euro oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa.
Xiddigaha kale ee ugu mushaharka badan waxaa ka mid ah xiddiga khadka dhexe ee Inter Milan Christian Eriksen oo qaata 7.5 milyan euro sannadkii, weeraryahanka Roma Edin Dzeko oo isna qaata 7.5 milyan euro, weeraryahanada Inter Milan iyo AC Milan Alexis Sanchez iyo Zlatan Ibrahimovic oo qaata 7 milyan euro halka saxiixa cusub ee Inter Milan Arturo Vidal uu qaato 6.5 milyan euro iyadoo goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma uu qaato lix milyan euro.
Juventus ayaa ah kooxda mushaharka ugu badan bixisa horyaalka Serie A, halka tababaraha ugu mushaharka badan uu yahay macalinka Inter Milan Antonio Conte oo qaata 12 milyan euro sannadkii.