Wararkii ugu dambeeyay ee Ergayga Qatar ee dadaalka ka wada Muqdisho + Sawiro – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, oo ah ergeyga gaarka ah ee Qatar u qaabilsan Soomaaliya ayaa xalay soo gaaray Caasimadda Muqdisho kadib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu ku tagay magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada ee Qaahira ee Dhex dhexaadinta iyo La Dagaalanka Argagixisada Mudane Multaq Alqahtani. Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

- Advertisement -

Wakiilka cusub ayaa kulamo la qaadan doona dhinacyada kala duwan ee siyaasada dalka, gaar ahaan mucaaradka iyo xubnaha dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada oo isku haya hanaanka doorashada.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow musharaxiinta, Dr Mutlaq al-Qahtani ayaa sidoo kale caawa kulan gaar ah la qaadan doona midowga musharixiinta hotelka Decale ee ku dhexyaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho.

Al-Qahtani wuxuu kala hadli doonaa hogaamiyaasha mucaaradka xaaladihii ugu dambeeyay ee Caasimadda Muqdisho iyo rabshadihii doorashada ka dib ee sanadkii hore ruxay dalka.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo dhexmara masuul sare oo ka tirsan dowlada Qatar iyo mucaaradka maadaama lagu soo daabacay qaab hal dhinac ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Qatar ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex dhexaad ka tahay xiisadaha doorashada ee dalka ka jira isla markaana aysan jirin koox gaar ah oo taageertay, taasoo dhawaanahan lala xiriirinayay madaxda dowladda ee waqtigeedu dhammaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More