Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Fulham – Tuchel Oo Isbeddello Badan

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbilaysa Fulham oo ku jirta khadka cas, halisna ugu jirta  in ay dib ugu laabato heerka labaad, laakiin Blues ayaa iyaduna u baahan saddex dhibcood oo ay damaanad kaga dhigato kaalinteeda afraad ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Tababare Thomas Tuchel ayaa isbeddelo badan ku sameeyey safkiisa, waxaanu dhigtay ciyaartoydiisa muhiimka ah intooda badan iyadoo uu kasii fikirayo kulanka Actual Madrid ee lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Arbacada.

Christian Pulisic, Cesar Azpilicueta, N’Golo Kante iyo Jorginho oo lagu daray Rudiger oo dhaawac  ku maqan ayaa dhamaantood aan ka mid ahayn shaxda Blues kusoo gashay garoonka, waxaase hoggaaminaya oo weerarka taagan Timo Werner oo ka garab ciyaaraya Hakim Ziyech iyo Mason Mount oo dhexda ka hagi doona kubbadaha.

Ben Chilwell ayaa mar kale kusoo bilowday, waxaana khadka dhexe muddo dheer kaddib lagu arkayaa Gilmour oo ay iskaashan doonaan Kai Havertz.

Difaaca ayaa sidoo kale isbeddel ku yimid, waxaana safka hore kusoo laabtay Reece James iyo Kurt Zouma oo garba taagan Christensen iyo Thiago Silva.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

CHELSEA XI Mendy, Zouma, Silva, Christensen, James, Gilmour, Havertz, Chilwell, Mount, Ziyech, Werner.

Kaydka: Arrizabalaga, Alonson, Jorginho, Kante, Abraham, Pulisic, Hudson-Odoi, Azpilicueta, Anjorin.

FULHAM XI: Areola, Aina, Andersen, Adarabioyo, Robinson, Lemina, Anguissa, Lookman, Cavaleiro, Decordova-Reid, Maja.

Kaydka: Radak, Tete, Hector, Odoi, Mitrovic, Ream, Bryan, Onomah, Carvalho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More