Manchester United Oo Lumisay Fursad Ay Ugu Dhowaan Lahayd Man City Iyo

Manchester United ayaa hal dhibic kasoo gashay garoonka Elland Road oo ay marti ugu ahayd Leeds United, iyadoo ay labada kooxood ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah.

- Advertisement -

Kulankan oo si weyn isha loogu hayay cadaawadda soo jireenka ah ee u dhaxaysa labadan kooxood, ayaa waxa inta badan kubadda maamulaysay Manchester United oo fursado wanaagsan u heshay in ay shabaqa soo taabato, halka Leeds United laga diiday rikoodhe VAR looga soo daawaday qaybtii hore.

United ayaa barbarrahan ay gashay waxay ku ilaashatay rikoodhkeeda cajiibka ah ee kulamada ay martida tahay xilli ciyaareedkan, waxaanay u ahayd ciyaartii 24aad ee aan laga badinin.

Sidoo kale, Leeds United ayaa diidday in ay dhiibto rikoodhka ay ka haysato Manchester United ee ah in laba kulan oo isku xiga aan lagaga badinin garoonkeeda Elland Road, iyadoo markii ugu dambaysay ee United ay ku badiso ay ahayd 16 sannadood ka hor.

Manchester United ayaa yeelatay 67 dhibcood, kuna jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, waxaanay toban dhibcood ka dambaysaa Manchester City oo hoggaanka haysa.

Leeds United ayaa iyaduna soo gashay kaalinta 9aad waxaanay hal dhibic kasoo sare martay Arsenal oo u degtay 10aad.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER UNITED STARTING XI (4-2-3-1): Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Daniel James; Marcus Rashford.

Kaydka: Paul Pogba, David de Gea, Eric Bailly, Donny van de Beek, Juan Mata, Axel Tuanzebe, Alex Telles, Edinson Cavani, Nemanja Matic.

LEEDS UNITED STARTING XI (4-1-4-1): Illan Meslier; Luke Ayling, Diego Llorente, Pascal Struijk, Ezgjan Alioski; Kalvin Phillips; Helder Costa, Stuart Dallas, Tyler Roberts, Jack Harrison; Patrick Bamford.

Kaydka: Ian Poveda-Ocampo, Pablo Hernandez, Robin Koch, Mateusz Klich, Gaetano Berardi, Kiko Casilla, Sam Greenwood, Crysencio Summerville, Jamie Shackleton.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa hal beddel oo kaliya ku sameeyey sakfii uu kula ciyaaray Burnley usbuucii hore ee guusha ay kasoo gaadheen, waxaana uu kusoo bilaabay James oo beddelay Paul Pogba oo waqti dambe beddel kusoo galay.

Marcelo Bielsa ayaa isaguna soo celiyey shaxdii uu Liverpool barbarraha kaga helay usbuucii hore oo aanu waxba ka beddelin, taas oo ay uga horreysay Manchester City oo ay isla safkan kaga soo badiyeen.

Manchester United ayaa bilowgii ciyaartaba waxay tijaabisay goolhayaha Leeds ee Meslier, waxaana kubbad uu xerada  ganaaxa keenay Burno Fernandes madax ku qabtay Mason Greenwood, waxayse si toos ah ugu tagtay Meslier.

Leeds United ayaa dalbatay rikoodhe kaddib markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Luke Shaw, hase yeeshee VAR oo laga soo daawaday ayaa waxay muujisay in gacanta aanu si badheedh ah ugu dhufanin Shaw ee ay kaga dhacday.

Fursad fiican ayay Manchester United heshay dhamaadka qaybta hore, waxaana kubbad halis ahayd oo hal difaac oo kali ahi dhex-joogay helay Fernandes iyo James, laakiin is-faham waa ayaa dhexdooda yimid, waxaana ka dhex faa’iidaystay difaaca Leeds oo kubadda ka fogeeyey, iyadoo ugu dambayntiina uu goolhaye Meslier gacantiisa ku dhigay.

Qaybta dambe ayay Manchester United sii wadatay awood badan oo ay ilaa qaybtii hore muujinaysay, waxaana ay samaysay fursaddii ugu halista badnayd helay Greenwood oo ku toogtay goolhayaha laakiin diciif ayay ahayd.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More