Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City vs Tottenham – Yaa Kusoo Bilowday, Yaase
Garoonka Wembley waxa ku sugan ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester City iyo Tottenham, iyagoo foodda isku daraya Finalka Carabao Cup ama ELF Cup, iyadoo ay daawanayaan oo 8,000 taageereyaal ah oo loo ogolaaday in ay gudaha garoonka soo galaan.
- Advertisement -
Manchester City oo hore meel u dhigatay horyaalka Premier League ayaa doonaysa in koobkeeda labaad uu noqdo Carabao Cup, iyagoo sidoo kalena rajaynaya in Champions League oo ay finalkiisa joogaan ay ku guuleysan karaan.
Tottenham ayaa dhinaceeda waxay doonaysaa in ay soo afjarto 13 sannadood oo ay koob la’aan ahayd, waxaana in ay wax koob ah ku guuleysato ugu dambaysay sannadkii 2008 oo isla koobkan ay maanta finalkiisa joogto ay kaga guuleysatay Chelsea.
Pep Guardiola ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddiga guulaha u horseeday muddooyinkan dambe ee Phil Foden oo ay iska garab ciyaarayaan Riyad Mahrez iyo Raheem Sterling.
Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin Ilkay Gundogan, Kevin de Bruyne iyo Fernandinho, halka difaacana ay wada taagan yihiin Ruben Dias, Laporte, Cancelo iyo Walker.
Dhinaca kale, Tottenham ayaa dib u heshay weeraryahankeeda Harry Kane oo kusoo bilowday kaddib dhaawac uu ku seegay ciyaartii u dambaysay.
Waxa kale oo Spurs ugu soo bilowday Heung-min Son oo afka hore la taagan Kane.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester City XI: Steffen, Walker, Dias, Laporte, Cancelo, Fernandinho (C), Gundogan, De Bruyne, Mahrez, Foden, Sterling
Kaydka: Ederson, Ake, Jesus, Aguero, Zinchenko, Rodrigo, Bernardo, Torres, Mendy
TOTTENHAM XI: Lloris, Aurier, Alderweireld, Dier, Reguilon, Hojbjerg, Winks, Lo Celso, Lucas Moura, Son, Kane
Kaydka: Hart, Sanchez, Tanganga, Sissoko, Dele Alli, Ndombele, Lamela, Bergwijn, Bale