Maxkamad Milateri ayaa bilaabeysa dhageysiga kiiska dilka Dhagajuun – Axadle
Muqdisho (Axadle) Maanta oo ay taarikhdu tahay 24-ka bisha Abriil, 2021-ka, ayay maxkamadda militariga dhageysatay kiiska dilka gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.
Dhageysiga maxkamada waxaa ka soo qeyb galay saraakiisha maxkamada ciidamada, eedeysanayaasha dilka, ehelada labada dhinac iyo dadweyne kale.
Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay cadeymo la xiriira dilkii ay ciidamada dowladda u geysteen Guddoomiyihii Degmada Hodan.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale la filayaa inay go’aan ka gaarto kiiskan oo horey loogu saaray gudi gaar ah, kaasoo baaritaan dheeri ah ku sameeyay dhacdada, waxaana gudiga ay shaaciyeen in marxuumka la toogtay.
C / xakiin C / raxiin Ciise (Dhagajuun) oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa lagu dilay habeenkii 21-kii bishii Janaayo ee sanadkan isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu ka soo laabtay dalka Turkiga.