Hordhac: Real Madrid vs Betis – Los Blancos Oo Hoggaanka La Wareegaysa

Real Madrid ayaa raadinaysa in ay guul kale soo hoyso, isla markaana ay sii wadato qaab ciyaareedka wanaagsan ee ay ka muujinayso horyaalka LaLiga, marka ay caawa garoonkeeda  Alfredo Di Stefano kusoo dhoweydo Real Betis.

Los Blancos oo kaalinta labaad ku jirta, saddex dhibcoodna ka dambaysa Atletico Madrid ayaa heli doonta fursad ay mar kale si ku-meelgaadh ah hoggaanka horyaalka ugula wareegto si la mid ah markii ay horraantii toddobaadkan garaacday Cadiz oo ay 3-0 ku burburisay.

Tababare Zidane ayay kooxdiisu hoggaanka hayn doontaa illaa inta ay badinayso amaba barbarro helayso Atletico Madrid oo Axadda ciyaari doonta, taas oo haddii Simeone iyo xiddigihiisa laga badiyo ay wiilasha Zidane si rasmi ah ula wareegi doonaan hoggaanka.

Real Madrid ayaa ciyaartii ugu dambaysay guul raaxo leh ka gaadhay Cadiz oo ay ku burburisay 3-0, halka Rela Betis oo ku jirta kaalinta shanaad ay barbarro ku kala baxeen Villarreal oo lixaad fadhida.

Los Blancos ayay qasab ku tahay in ay guuleysato ciyaaartan si ay usii xoojisato fursadda ay u haysato hanashada horyaalka oo ay xilli ciyaareedkii horena hanatay, taas oo sidoo kale ka caawin doonta in ay niyad wanaagsan kala hor-tagto Chelsea oo semi-finalka Champions League ay usbuuc-dhamaadkan dheeli doonaan lugta hore.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Betis vs Real Madrid

Tartanka: Horyaalka LaLiga

Waqtiga: 10pm – Waqtiga Geeska Afrika

Garoonka:  Alfredo Di Stefano

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Real Madrid waxa dhaawacyo kaga maqan Lucas Vazquez, Ferland Mendy, Sergio Ramos iyo Toni Kroos, kuwaas oo uu ku darsamay Federico Valverde oo karantiil ugu jira fayraska Korona oo ku dhacay.

Laakiin waxa liiska xiddigaha Los Blancos ee ciyaartan lagu soo daray Eden Hazard iyo Luka Modric oo dhaawacyo kasoo kabtay, halka Dani Carvajal oo ciyaarii labaad ka mid yahay xiddigaha Real Madrid ee diyaarka u ah kulankan, waxaana uu kaydka ku jiray kulankii Cadiz oo uu beddel ku soo galay, caawa ayaase la filayaa in uu kusoo bilowdo.

Marco Asensio iyo Vinicius Junior ayaa iyagana la filayaa in ay kusoo garab bilowdaan Karim Benzema.

Dhinaca Real Betis, waxa ka maqan xiddiga Faransiiska ah ee Nabil Fekir oo kaadh cas qaatay ciyaaartii Athletic ee Arbacadii, taas oo ka dhigan in uu ciyaartan kusoo bilaaban doono Andres Guardado, halka Dani Martin iyo Victor Camarasa ay dhaawac yihiin.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Militao, Varane, Nacho; Carvajal, Casemiro, Isco, Marcelo; Vinicius, Benzema, Asensio

Real Betis: Bravo; Emerson, Mandi, Ruiz, Moreno; Guardado, Rodriguez; Lainez, Canales, Joaquin; Iglesias

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More