Heshiiskaan Kordhinayaa Haddii…..- Bruno Fernandes Oo Man United

Kubad sameeyaha kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Portugal oo muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxdaas ayaa la xusayaa inuu heshiis kordhin uu kooxda u sameeyo ku xidhay inuu marka hore heshiis cusub saxeexo saaxiibkiisa kooxda ee Paul Labile Pogba.

- Advertisement -

Heshiiska uu Pogba ku joogo Old Trafford ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe taas oo ka dhigan inay tahay in kooxdaasi iibiso si ay uga samayso qayb kamida lacagtii 89-ka Milyan ee pound ahayd ee ay kula wareegtay sanadkii 2016.

Bruno Fernandes ayay warar cusubi sheegayaan inuu si dhaw ula socdo xaalada heshiiska Paul Pogba xilli ay kooxdu doonayso inay isaga qudhiisa heshiiska u kordhiso.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in 26 sano jirkaasi uu marka hore raadinayo in loo xaqiijiyo mustaqbalka Pogba oo ay si fiican iskugu fahmeen garoonka dhexdiisa uguna wada ciyaaraan.

Man United ayaa doonaysa inay Fernandes miiska u saarto heshiis cusub oo shan sano ah kaas oo uu mushahar ahaan toddobaadkii 200,000 oo pound ku qaadanayo waana in ka badan laba jibaarka lacagta uu hadda ka qaato Old Trafford.

Bruno ayaa kamid ah qorshayaasha mudada dheer ee kooxdiisa Red Devils xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer doonayo inay la tartamaan Manchester City iyo kooxaha kale ee PL xilli ciyaareedka dambe.

Ciyaaryahanada lala xidhiidhinayo Manchester ayay kamid yihiin labaleyda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho iyo Erling Haaland walow ay tartan wajahayaan.

Pogba ayaa ahaa mid qaab ciyaareed fiican ku jiray qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan kaddib markii uu gaabis ku bilawday isaga oo afar gool caawimo soo sameeyay shantiisii kulan ee ugu dambeeyay.

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More