Macquul Ma Tahay? Feedhyahan Conor McGregor Oo Doonaya Inuu Iibsado Ma

Feedhyahanka caanka ah ee Conor McGregor ayaa shaaca ka qaaday sida uu uga faa’idaysan karo qaska uu kubadda cagta geliyay horyaalka cusub ee la aas-aasay ee European Super League isla markaana uu u iibsan karo kooxda uu taageerayay tan iyo carruunimadiisii ee Manchester United.

- Advertisement -

Red Devils ayaa ahayd mid kamida 12 kooxood oo ka qayb qaatay saxeexida heshiiska lagu dhisayo horyaal 4.6 Bilyan pound ku qiimaysnaan doona kahor inta aysan xalay ka bixin loolankaas dhammaan lixdii kooxood ee kaga jiray Premier League.

Kacdoonka ay kooxaha waaweyn ee England kaga baxeen ESL ayaa ahaa mid ugu horreynba xantiisa ay bilaabeen Manchester City iyo Chelsea kahor inta aysan soo raacin Man United, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham.

Kaddib qaskii xalay ay gashay kubadda cagta Yurub, waxa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in mulkiilayaasha Man United ee Glazer Family ay iibin karaan kooxda marba haddii uu qorshah ESL u suurogali waayay.

Xiddiga legdanka UFC ee Conor McGregor ayaa wax yar kaddib wararkaas xanta ah bartiisa Twitter-ka shaqsiyaadka ku xidhan ku weydiiyay inay la wadaagaan aragtidooda ah inuu ka fikirayo iibsashada Manchester United.

“Iska warrama dadoow, waxaan ka fikirayaa iibsashada Manchester United, maxaad u malaynaysaan?” ayuu Conor kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Ninka ree Ireland ayaa hubaal haddiiba uu isku dayo iibsashada kooxdaas ay soo dhawayn doonaan jamaahiirteeda oo xalayba ugu baaqay inuu warkaas ka dhabeeyo maadaama oo ay aad u doonayaan in qoyska Glazer ay kooxdooda gadaan.

Mulkiilayaashaas reer Maraykan, si lamid ah Stan Kraonke oo Arsenal ah iyo John W Henry oo Liverpool ah oo dhammaantood Maraykan kasoo jeeda ayaa ahaa quwadaha riixayay inuu hirgalo European Super League si lamid ah madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More