Xaaskiisa Ayaa Sawirkan Baahiday Ka Hor Ciyaarta, Haddana Wuxuu

Xaaska Fede Valverde ayaa barteeda bulshada ku daabacday sawir uu laacibkani uu lugtiisa ka qaaday daqiiqado ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii ay Real Madrid xalay ugu soo gudubtay semi-finalka Champions League, taas oo uu ku ciyaaryaay xanuun.

Xiddiga reer Uruguay ayaa ka ciyaaray difaaca midig kulankii ay kooxdiisa derbiga ka dhisatay goolka hortiisa, waxaanu la halgamay Sadio Mane iyo Andy Robertson isagoo khadka  dhexena hore ugu ruqaansanayey oo uu garabka midig ka caawinayay.

Zinedine Zidane ayaa go’aamiyey in Valverde uu kusoo bilaabo ciyaartan inkasta oo uu kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Barcelona ee Sabtidii, hase yeeshee kalsoonida uu tababaruhu siiyey ayaa uu si buuxda iskugu muujiyey.

Federico Valverde oo dedaal badan sameeyey, waxa taam ahaanshihiisu noqday hadal-hayn ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin.

Xaaska uu qabo laacibkan oo lagu magacaabo Mina Bonino ayaa barteeda bulshada ku amaantay saygeeda daqiiqado ka hor bilowga ciyaarta, waxaanay soo bandhigtay sawir uu la wadaagay saygeeda oo si toos ah telefoonkiisa ugu qabtay lugtiisa oo uu dhaawac ka muuqdo.

“Sawirkani wuxu ahaa galabta. Maan doonayn in aan soo daabaco illaa inta ay ciyaartu dhamaanayso. Waxa aan hubaa in aanad ku faraxaynin (Valverde) in aan soo daabacay, laakiin waa qasab in aan sameeyo sababtoo ah dedaalka aad samaynayso.” Ayay qoraalkeeda ku tidhi Mina Bonino.

Inkasta oo Zinedine Zidane uu soo xulan karayay Alvaro Odriozola oo difaac midig oo dabiici ah, lacag badanna ay kasoo bixiyeen sannado ka hor, haddana kuma qabin kalsoonida uu ku qabo Fede Valvert.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More