Chelsea mise Real Madrid? PSG mie Man City? – Rio Ferdinand & Michael

Semi-finalka Champions League ayaa la go’aamiyey, waxaana iskugu soo hadhay kooxaha Real Madrid, Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Manchester City oo dhamaantood toddobaadkan xaqiijisay boosaskooda.

- Advertisement -

Real Madrid ayaa xalay soo afjartay rajadii Liverpool ay wax koob ah ugu guuleysan karaysay xilli ciyaareedkan iyadoo cel-celis ahaan ku reebtay 3-1, halka ay Chelsea kasoo dul-tallaabsatay FC Porto oo ay kaga adkaatay 2-1 isku-darka natiijadii labadooda lugood.

Paris Saint-Germain ayaa iyaduna soo garaacday Bayern Munich oo ahayd kooxda difaacanaysay koobka, waxay se kooxda reer France kusoo gudubtay goolasha ay ku dhalisay garoonka martida maadaama ay ciyaartoodu noqotay 3-3.

Man City ayaa ugu dambayntii soo afjartay inkaartii ka haysatay in ay gaadho semi-finalka, waxaanay labadii ciyaarood ee Borussia Dortmund ay ku kulmeen ay mid walba ku badisay 2-1, taas oo natiijada guudna ka dhigaysa 4-2.

Xilli ciyaareedkan ayaa noqday markii labaad oo laba kooxood oo Premier League ah ay ka mid noqdaan afarta ugu dambeeya ee ku loollamaya semi-finalka Champions League, waxaana ka horreeyey Liverpool iyo Tottenham oo xilli ciyaareedkii 2018-19 yimid marxaladdan oo kale.

Labada halyey ee reer England ee Michael Owen iyo Rio Ferdinand ayaa xalay wada fadhiyey istuudaha telefishanka BT Sports, waxaanay ku kala aragti duwanaadeen labada kooxood ee usoo gudbaya finalka.

Owen ayaa saadaaliyey in labada kooxood ee Ingiriiska ah ee Chelsea ay finalka iskugu iman doonaan, isla markaana uu kalsooni buuxda ku qabo in Blues ay soo garaaci doonto Real Madrid.

Laakiin Rio Ferdinand ayaa si aad  ah uga soo horjeedsaday arrintaas, waxaana uu saadaaliyey lidka Michael Owen.

Ferdinand ayaa yidhi: “Aniga waxay ila tahay in finalka ay wada  ciyaari doonaan Paris Saint-Germain vs Real Madrid.”

Your browser does not support the audio element.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More