CAJIIB: Sir Alex Ferguson Oo Shaaciyey In AFAR Ciyaartoy Oo Kaliya Oo
Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa shaaciyey in kaliya afar ciyaartoy oo heer-caalami ah uu tabababare usoo noqday intii uu joogay Man United.
Sir Alex Ferguson ayaa muddo 26 sannadood ah tababare u ahaa Manchester United, waxaanu u qaaday 38 koob oo waaweyn, isagoo naadigana ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida.
Sidaas oo ay tahay, Sir Alex waxa uu sheegay in ay nasiib-darro ka haysatay ciyaartoyda waaweyn ee heerka caalami ah oo uu kaliya nasiib u yeeshay in afar laacib oo kaliya oo heerkaas gaadhsiisan uu layliyey muddadaas 26ka sannadood ah.
Xiddigaha ay ka midka yihiin Peter Schmeichel oo lagu tilmaamo goolhayihii ugu wanaagsanaa taariikhda kooxda, Wayne Rooney, David Beckham, Gary Neville iyo Ruud van Nistelrooy ayaanu dhamaantood kusoo dariin ciyaartoyda uu ku sheegay in ay ahaayeen ‘heerka caalami’ ee Old Trafford uu kusoo layliyey.
Buug uu qoray sannadkii 2015, ayuu Ferguson kusoo bandhigay waxyaabo badan, waxaana ka mid ahaa magacyada afarta laacib ee kaliya ee heerka caalami ahaa ee uu tababaraha usoo noqday, kuwaas oo kala ah Eric Cantona, Ryan Giggs, Cristiano Ronaldo iyo Paul Scholes.
Ferguson ayaa buuggiisa ku yidhi: “Haddii aad akhrido jaraa’idka ama aad dhegaysato falanqeeyeyaasha telefishannada, waxaad moodaa in aanu la ciirciirayno ciyaartooyo heer caalami ah.
“Ujeeddadaydu maaha in aan wiiqayo ama aan dhalleecaynayo ciyaartoyda aadka u wanaagsanaa ee muddadaas 26ka sannadood ah usoo ciyaaray kooxda, laakiin waxa jiray afar ciyaartoy oo kaliya oo heer caalami ah: Cantona, Giggs, Ronaldo iyo Scholes.”
Sir Alex Ferguson ayaa tababaraha Manchester United loo magacaabay sannadkii 1986kii, waxaanu iska casilay, kana fadhiistay sannadkii 2013kii isagoo u qaaday 13 horyaal oo Premier League ah iyo koobab kale oo badan oo tiradooda guud noqonayso 38.
Your browser does not support the audio element.