Waa Kuma Xiddiga Ee Barcelona Ka Tirsan Ee Qirtay In Tababaraha

Garabka weerar ee kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa shaaca ka qaaday sida uu u jecel yahay macalinka kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel oo ay mudo kusoo wada shaqeeyeen kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund.

Dembele ayaan sidii uu filayay uga soo muuqanin horyaalka La Liga tan iyo markii uu heshiiska 97-ka Milyan ee pound ah Barcelona ugu biiray sanadkii 2017 isagoo ay soo hadheeyeen ciyaartiisa dhaawacyo joogto ahi.

Waxa soo baxay dhawaan warar sheegaya in Barcelona oo xaalad dhaqaale ahaan adag ku jirta ay lacag ka samayn karto iibka Dembele suuqa sanadkan waxaana xusid mudan in hore xiddiga loola xidhiidhiyay mar kooxda Chelsea.

Waxay u muuqataa in Dembele uu jeclaan lahaa inuu kooxda Chelsea kula midoobo tababarihiisii hore ee Tuchel, 23 sano jirkaas oo la hadlayay kanaalka beIN Sports ayaa qirtay in Thomas uu yahay tababaraha dookhiisa ah.

“Thomas Tuchel waa tababaraha dookhayga ah, markii aan isaga la shaqaynayay in badan ayaan ka ciyaaray garabka midig, kahor intii aan la ii wareejin 10-ka ama weerarka dhexe” ayuu yidhi Ousmane.

“Haddii uu isagu joogi lahaa, waxay noqon lahayd wax aad u adag inaan ka tago Dortmund waxa laga yaabaa in aanan sidaas sameeyeen”

Dembele ayaa dhinaca kale shaaciyay inuusan wali wax wadahadalo heshiis kordhin ah la furin kooxdiisa Blaugrana, qandaraaskiisa hadda ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe.

Joan Laporta oo bishii hore loo doortay madaxweynaha cusub ee Barcelona ayay mid kamida shaqooyinka u yaala tahay inuu Dembele ku qanciyo heshiis kordhin.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More