“Waxaan Ahaa Muslim… Waxaan Ahay Muslim… Insha Allah Waxaan Ku

Xiddiga Muslimka ah ee Mesut Ozil ayaa shaaciyey in uu diyaar u yahay soonka bisha barakaysan ee Ramadaan ee la filayo in ay Salaasada kowsato, waxaanu ku ducaystay in uu geeriyoodo isagoo Muslim ah.

Kubbad-sameeyahan oo waqtigan ku nool waddanka Turkey, isagoo u ciyaara kooxda Fenerbahce oo uu ku biiray suuqii jiilaalka kaddib toddoba sannadood iyo badh uu ku qaatay Arsenal.

Laacibkan oo baraha bulshada inta ugu badan u adeegsada guubaabinta Muslimiinta ayaa waxa uu maalmihii ugu dambeeyey soo qorayay farriimo wacdi iyo duco iskugu jiray, kuwaas oo mid ka mid ah uu ku sheegay in uu sugayo Bisha Barakyasan ee Ramadaan oo uu gudan doono waajibaadkiisa soonka.

Isaga oo xidhan garan ay shafka kaga qoran tahay Ramadaan Mubarak ayuu Benzema iska soo qaaday sawir, waxaana uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Facebook, isagoo soo raaciyey qoraal kooban oo uu ku yidhi: “Waxaan isku diyaarinayaa bisha barakaysan ee Ramadaan .”

Qoraal kale oo waxyar ka horreeyey ayuu sidoo kale Mesut Ozil ku ducaystay in uu geeriyoodo isagoo Muslim ah, kuna qanacsan yahay in uu Muslim yahay.

Isla bartiisa Facebook oo uu qoraalkan kalena soo dhigay ayuu ku yidhi: “Waxaan ahaa Muslim… Waxaan ahay Muslim… Waxaan ahaan doonaa Muslim… Waxaan dhiman doonaa Insha Allah anigoo Muslim ah, waanan ku faraxsanahay in aan ahay Muslim…”

Xiddigan reer Germany ee asal ahaanta kasoo jeeda waddanka Turkey ayaa waxa uu sannadihii ugu dambeeyey la kulmayay dhibaatooyin kusoo bilowday Koobkii Adduunka 2018, markaas oo dhalleecayn isaga loogu jeediyey in uu masuul ka ahaa in dalkaasi meel hore kaga hadho koobkaas, taas oo uu isaguna kaga jawaabay in uu ka fadhiistay guud ahaanba ciyaaraha caalamiga ah.

32 jirkan ayaa waqtigaas sheegay in faquuq asal ahaantiisa uu Turkey kasoo jeedo darteed ah lagu weerarayo, iyadoo horena loogu jeediyey canaan badan markii uu magaalada London kula kulmay madaxweynaha waddanka Turkey.

Arsenal ayaa uu sidoo kale lumiyey booskiisii uu ka ciyaarayay, waxaana uu in muddo ah ahaa ciyaartoy aan liiska kooxda ku jirin oo gurigiisa mushaharka ku qaata.

Bishii January ee sannadkan ayuu kansalay heshiiskiisii Arsenal oo lix bilood ka hadhsanaayeen, waxaanu u saxeexay Fenerbahce oo ka dhisan waddanka Turkey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More