BF oo ka hadlayaa dhaqdhaqaaqa”doorashooyinka qaranka”berri

Muqdisho (Axadle) – Xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caawa helay qoraal uu ku wargaliyey gudoonka in uu jiro kulan maalinta Isniinta ah ee golaha, ajandaha kulanka waxaa ka mid noqon doona soo jeedin ku saabsan “doorashooyinka qaranka.”

- Advertisement -

“Mudane Xildhibaan Beri, Isniinta 12-ka Abriil waxaa jira kulan guud oo ka dhicii doona Aqalka Hoose. Mawduuca, Waxaa lagaga doodaya soo-jeedin ku saabsan doorashooyinka qaranka. Saacaddu waa 09:00,” ayaa lagu yiri bayaanka loo diraay xildhibaanada.

Walaac ayaa durba isa soo taraya oo ah in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo baarlamaanka ay dhici doonto berri. Haddii kordhintani dhacdo, inbadan oo siyaasada falanqeya waxay aaminsanyihiin inaysan ka badnaan doonin wax kayar laba sano.

Fadhiga baarlamaanka ee Isniinta ayaa imanaya iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynaha uu doonayo muddo kordhin.

Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale hakad galay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la shaaciyey inuu fashilmay shirku.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer ku celcelisay inaysan taageeri doonin cawaaqib xumada ka dhalan karta muddo kororsi ama doorasho aan dastuuri aheyn, laakiin ma cadda waxa dhici doona haddii berri loo kordhiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Baarlamaanka 10aad.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa go’aankeena ah inaanan taageerin hanaan kasta oo doorashooyin is barbar socda, doorasho hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo horseedi kara in la kordhiyo muddadii hore ee xafiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay UN, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More