Shiinaha ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay tallaalka Sinopharm
Diyaarad sidday tallaalka Shiinaha ee ka hortagga Covid-19 ayaa Axaddii ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
200,000 oo dawooyinka Sinopharm ah ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Soomaaliya horey ayey u qaadatay talaalka Astrazeneca dad badana way qaateen.
Wasiirada caafimaadka ayaa uga mahadcelisay dowladda Shiinaha tallaalka ay u soo dirtay safiirka shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, kaasoo tallaalka ku wareejiyay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Dhawaan, safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Danjire Cali Cawaale ayaa Shiinaha ay kala saxiixdeen heshiis talaalka looga hortago COVID 19 Sinopharm ee Shiinaha in la keeno Soomaaliya.
Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dowladda Shiinaha ay ugu deeqday tallaalka Soomaaliya si looga faa’iideysto bulshada Soomaaliyeed ee uu saameeyay cudurka Cornavirus.