Mucaaradka Jabuuti ayaa ka hadlay guushii Geelle

C / raxmaan Maxamed oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Raad ahna duqa hore ee magaalada Jabuuti ayaa sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guuldareystay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah isla markaana natiijada doorashada aysan waxba soo kordhin doonin.

Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar 5aad loo doortay mar kale hogaamin doona dalkaas.

Wuxuu ku guulaystay boqolkiiba 98 codadkii la dhiibtay halka murashaxa kaliya ee la tartamayay Sakariye Ismaaciil Faarax uu helay 1.59 boqolkiiba.

Mucaaridka Jabuuti ayaa qaadacay doorashadii shalay ka dhacday dalka Jabuuti kadib markii ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuusan diyaar u ahayn doorasho xor iyo xalaal ah.

Hogaamiye Geelle oo 73 jir ah ayaa xukunka hayey tan iyo sanadkii 1999, wuxuuna sii xukumi doonaa Jabuuti shanta sano ee soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More