Maxay Ahaayeen Ereyadii Uu Luka Modric Ku Yidhi Gerard Pique Ee
Luka Modric iyo Gerard Pique ayaa ereyo aan wanaagsanayn isku weydaarsaday garoonka dhamaadka ciyaartii El Clasico ee Real Madrid ay 2-1 kaga badisay Barcelona.
Gerard Pique oo dhaawac kasoo laabtay ayaa kaydka fadhiyey ciyaarta, waxaase uu garoonka soo galay markii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka, iyadoo uu garsooruhuna siiyey kaadh digniin ah sida uu ku sheegay warbixintii uu u gudbiyey LaLiga kaddib ciyaarta.
Ka hor intii aanu Pique u dhaqaaqin dhinaca garsooraha ee uu garoonka uun soo galay, waxay iska hor yimaaddeen Luka Modric oo ku tuuray hadallo ka cadhaysiiyey difaaca Barcelona.
Wargeyska Marca ayaa ogaaday ereyadii ay is-weydaarsadeen labadan ciyaartoy, waxaana daandaansiga iyo gardarradaba iska lahaa Modric oo afka la galay Pique oo aan waxba su’aalin.
Luka Modric ayaa xaqiiqsaday in Pique uu u socdo in uu cabasho sameeyo, waxaana uu kusii tuuray kalmad ka cadhaysiiyey.
Sida uu wargeyska Marca qoray, Modric ayaa ku yidhi Pique: “Ma waxaad sugaysaa garsooraha si aad ugu cabato?”
Gerard Pique ayaa isaguna u jawaabay, isagoo yidhi: “Haa, afar daqiiqadood oo kaliya ayaa ciyaarta lagu daray…”
Modrid oo gacmaha saydhaya ayaa ku celiyey hadalka oo yidhi: “Imisa ayaad doonaysay?”
Si kastaba, Barcelona ayaa ka cabatay qalad ay sheegeen in lagu galay Martin Braitwaite oo ay ku doonayeen rikoodhe balse aanu garsooruhu u qabanin, iyo arrinta labaad oo ahayd in garsooruhu uu ciyaarta ku daray afar daqiiqadood oo kaliya iyadoo laba illaa saddex daqiiqadood oo dhamaadkii ku dhow loo hagaajinayay qalabka ugu xidhnaa gacanta ee ay ku wada xidhiidhayeen garsooreyaasha kale.
Your browser does not support the audio element.