Gudoomiyaha Gobolka Baay Oo Ka Badbaaday Qarax Ismiidaamin Ah
Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow ayaa ka badbaaday qarax ismiidaamin ah kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay maqaaxi ku taala bartamaha magaalada Baydhabo.
Sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo wareedyo, waxaa ku nafwayey afar qof oo shacab ah iyo mid ka mid ah ilaalada gudoomiyaha.
“abaarihii 11:15 daqiiqo oo subaxnimo ee saaka, qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay maqaaxi la yiraahdo SUWEYS oo ka soo horjeedka munaaradda SALAD JEERI ee xafadda Bardaale, Baydhabo, halkaas oo ay ku dhinteen laba qof shan kalena ay ku dhaawacmeen. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.
Afar qof oo uu kujiro ismiidaamiyihii ayaa ku dhintey lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax oo goor dhow dhacay ”. ayey sheegtay warbaahinta dowladda.
Saraakiisha booliska Koonfur Galbeed ayaa tagay maqaayada uu qaraxu ka dhacay, waxayna xireen wadooyinka soo gala iyo kuwa loga kabaxo waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaalka guud ee magaalada baydhabo.