Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Hogaamiye Geelle guushiisa

Hogaamiyaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle guushii uu ka soo hooyay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 9-kii Abriil, 2021-kii.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyey guushii Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo helay 98.58% codadkii aftida.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa madaxweynaha dalkeena aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle dib u doorashadiisa, waa guul sii xoojinaysa horumarka iyo xasiloonida gobolka, waxaan ku qanacsanahay inaad dardar galin doontaan horumarka iyo iskaashiga gobolka. Sidaana waxaa lagu sheegay qoraalka Villa Somalia.

Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, ahna Hogaamiyaha Midowga Musharaxiinta, Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ugu hambalyeeyay guushii uu ka soo hooyay doorashadii markii shanaad.

“Waxaan u hambalyeynayaa Hogaamiyaha Jabuuti, walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle, markii labaad ee loo doortay inuu noqdo Hogaamiyaha Jabuuti markii shanaad. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu kula garab galo xilka culus ee ay shacabka reer jabuuti kuu doorateen, waxaanan rajaynayaa guud ahaan reer jabuuti horumar iyo barwaaqo Sidaas waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed.

Hogaamiyaha 8-aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay Hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle guushii uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti.

Waxaan u hambalyeynayaa walaalkay, Hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay dadkiisu mar labaad u doorteen inuu hoggaamiyo Jabuuti, waxaan u rajaynayaa nasiib inuu ka helo hawsha adag ee loo igmaday. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo koobay maqaalkiisa.

Hambalyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti ismaacil cumar geele guushii uu ka gaadhay doorashadii jimcaha 7da bisha april 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More