Arsenal Oo Loo Sheegay Qiimaha Waalida Ah Ee Kula Wareegi Karto Xiddig

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay ugaarsi ugu jirto saxiixa xiddiga Sevilla Bryan Gil laakiin waa inay miiska soo saaraan 100 milyan ginni si ay u la wareegaan.

Gunners ayaa la sheegayaa inay dooneyso xiddiga garabka ka ciyaara kaasoo sidoo kale diirada u saaran kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Gil oo 20 sanno jir ah ayaa ka soo muuqday masraxa La Liga xilli ciyaareedkan isagoo amaah ku jooga Eibar, wuxuu dhaliyay seddex gool isagoo sameeyay labo caawin.

Sida ay sheegtay jariirada reer Spain ee AS, qaab ciyaareedka fiican ee Bryan Gil ayaa la micno ah in Sevilla ay dooneyso inay ka saxiixdo qandaraas cusub iyagoo sarre u qaadaya qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa.

Qandaraaska da’ yarkaan uu kula soo joogo Sevilla ayaa dhacaya sannadka 2023 iyadoo lagu burburin karo lacag lagu qiyaasay 43 milyan ginni.

Waa lacag ay awoodi karto Arsenal waana sababta ay Sevilla u dooneyso inay ka saxiixdo qandaraas cusub iyagoo labo sanno ku kordhinaya qandaraaskiisa haatan.

Waxayna doonayaan inay markaas ka dhigaan qiimaha lacagta lagu burburin karo mid ka sareysa 100 milyan ginni.

Gil oo lagu naaneeso Cruff Yare ayaa ah xiddig aad loo qiimeeyo, wuxuuna muteystay in dhawaan looga soo yeeray xulka Spain.

Si kastaba, haddii Sevilla ay ku guuleysato inay ka saxiixdo qandaraas cusub, waxay taasi meesha ka saari doontaa xiisaha Arsenal oo aan awoodin inay hal ciyaaryahan ka bixiyaan 100 milyan ginni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More