Muxuu Cumar C / rashiid ka yiri fashilka ku yimid shirkii Afisone?
Muqdisho (Axadle) Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa bartiisa Twitterka kaga hadlay xaalada sii xumaaneysa ee doorashooyinka dalka, kadib markii uu fashilmay shirkii Afisyooni.
- Advertisement -
Cumar C / rashiid oo hadda ah senator ka tirsan aqalka sare ayaa sheegay in ujeedka looga hortagayo wadahadalada doorashooyinka dalka ka dhacaya 2021 ay tahay kordhinta waqtiga xafiiska hey’adaha dowladda, sida uu yiri.
Raiisel wasaarihi hore wuxuu sii waday inuu ka digo mudo kordhin dheeri ah, isagoon wax heshiis siyaasadeed ah ku taageerin.
Wuxuu intaas ku daray hadii wadada loo maro, iska indha tirka xaalada adag ay horseedi karto xasilooni daro iyo kala qeybsanaan.
“Ujeedada ah in la carqaladeeyo wadahadalada si loo carqaladeeyo waa in waqtiga loo kordhiyo dowladaha iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo taageera, waxayna kaliya ku hanjabeysaa inay sababi doonto xasilooni darro iyo kala qeybsanaan” ayuu yiri Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. .
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ku kala qeybsameen wadahadallo horu dhac ah oo ka dhacay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kadib markii la isku fahmi waayey ajandaha looga hadlayo shirka guud ee doorashooyinka dalka.